DEG-DEG: Dagaal Culus oo ka Socda Magaalada Baydhabo

|

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa maanta aad u kacsan, iyadoo gudaha magaalada laga maqlayo dhawaqa hubka culus iyo rasaas xooggan.

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka socdo qeybo ka mid ah Baydhabo, iyadoo ciidamada iska soo horjeeda ay isku adeegsanayaan hub kala duwan.

Rasaas ayaa laga maqlayaa Afar-irdoodka Baydhabo iyo qeybo kale oo ka mid ah magaalada, iyadoo dadka shacabka ah ay wajahaan xaalad cabsi iyo hubanti la’aan ah.

Wararka hordhaca ah ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalku uu ka socdo dhowr jiho, iyadoo ciidamada taageersan maamulka Koonfur Galbeed ay sheegeen inay qaadeen howlgal ay ugu yeereen “dib-u-xoreynta Koonfur Galbeed.”

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in la gubay Bakhaarkii Keydka Raashinka ee ku yaallay agagaarka Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidamada Dowladda Federaalka.

Dhinaca ciidamada taageersan Laftagareen ayaa sheegtay inay dagaalka kula wareegeen qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo, ayna ka saareen fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad lagu magacaabo Salbalaar iyo Af-Balaar.

Ugaas Xasan, oo ka tirsan dhinaca taageersan Laftagareen, ayaa sheegay in howlgalka uu weli socdo, isagoo ku tilmaamay “howlgalka dib-u-xoreynta Koonfur Galbeed.”

Xaaladda magaalada ayaa weli ah mid aan deggenayn, iyadoo dagaalka iyo rasaastu ay saameyn ku yeelanayaan dhaq-dhaqaaqa shacabka.

Baydhabo ayaa hadda ku jirta xaalad dagaal, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalka iyo xaaladda magaalada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News