DEG DEG: Qarax ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Balcad iyo Gololey

|

Balcad (KAAB TV) – Wararka ka imaanaya gobolka shebeellaha dhexe ayaa sheegaya in uu qarax ka dhacay inta udhexeysa Balcad iyo Gololey.

Sidoo kale, qaraxan ayaa lagu soo waramayaa in uu nooca miinada dhulka lagu waxa ayna lakacday gaari Probox ah oo waddada maraayay kaas oo ay saarnaayeen dad shacab ah sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya halkaas.

Dhanka kale, waxaa lagu soo waramayaa in qaraxan uu dhaliyay khaasre isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii gaariga saarnaa oo ku socdaalaayay Balcad iyo Gololey.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka oo ku saabsan qaraxaasi ka dhacay gobolka Shabeellaha dhexe.

Sikastaba, xalay ayay aheyd markii qarax uu ka dhacay gudaha caasimada Muqdisho gaar ahaan Xeebta Liido kaas oo galaaftay nolasha dad badan oo shacab ah kuwaas oo u damaashaad in ay jawi kusoo qaataan Xeebta Liido.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News