Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta gaaray deegaanka Dhinowda ee koonfur bari gobolka Mudug, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyey bulshada deegaanka soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen, isagoo sheegay in safarkiisu qayb ka yahay dadaallada dowladda Puntland ee ku aaddan u kuurgelidda xaaladda nololeed, xoojinta nabadda iyo isu-soo-dhawaanshaha bulshada ku nool degmada Towfiiq iyo deegaanka Dhinowda ee gobolka Mudug.
Madaxweynaha Puntland ayaa ku dhawaaqay in magaalada Garoowe lagu qaban doono gogol nabadeed, taas oo uu isaguna ka qaybgelayo, si loo xoojiyo nabadda, wada-noolaanshaha iyo isku-xirnaanta bulshada Towfiiq iyo Dhinowda ee gobolka Mudug.
Dhanka kale, madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada ee deegaanka Dhinowda, gaar ahaan bacaadka ku fiday qaybo ka mid ah deegaanka.
Madaxweynaha Deni, ayaa kormeeray xaafadaha uu bacaadku qariyay ee Dhinowda, isagoo sheegay in dowladda Puntland ay wax ka qabanayso xaaladdaas iyo guud ahaan baahiyaha adeegyada bulshada ee deegaanka.













