Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in maamulkiisu uu burcad-badeedda ula dagaallamayo si la mid ah dagaalkii uu sheegay inay Puntland kula gashay kooxda Daacish.
Deni oo xalay hadal ka jeediyay deegaanka Xaafuun ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay caqabad ku yihiin sumcadda, horumarka iyo mustaqbalka Puntland.
Waxa uu sheegay in kooxaha burcad-badeedda ay dhaawacayaan dadaallada Puntland ee dhinacyada amniga iyo horumarka, isaga oo ku tilmaamay arrintan mid u baahan in si adag loola dagaallamo.
“Burcad-badeedda waxaan ula dagaalamaynaa sidaan Daacish ula dagaalanay, maxaa yeelay waxay baabi’inaysaa sumcaddeena, waxaan ka shaqaynayno iyo mustaqbalkeena,” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli xeebaha Puntland ay ka jiraan dhacdooyin la xiriira burcad-badeednimo iyo afduubka maraakiibta, iyadoo kooxaha burcad-badeedda lagu eedeeyay inay gacanta ku hayaan maraakiib laga qafaashay xeebaha Soomaaliya.
Sida xogta la soo bandhigay, burcad-badeeddu waxay xeebaha Puntland ku hayaan shan markab oo kala ah Honour 25, Sward, Eureka, Asana iyo Seamull, kuwaas oo la sheegay in laga dalbaday lacago madaxfurasho.
Dowladda Puntland ayaa horey u sheegtay inay qaaday tallaabooyin ka dhan ah burcad-badeedda iyo kooxaha hubeysan ee ka howlgala deegaannada xeebaha, iyadoo arrinta burcad-badeednimadu ay sidoo kale saameyn ku leedahay amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya.
Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadalkiisa ku adkeeyay in Puntland aysan dooneyn in burcad-badeednimadu dib u soo laabato ama ay dhaawacdo sumcadda maamulka iyo dadaallada laga sameeyay dhinaca amniga.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo bulshada iyo ganacsatada ku nool deegaannada xeebaha Puntland ay si gaar ah u daneeyaan amniga badda iyo saameynta ay burcad-badeednimadu ku yeelan karto dhaqaalaha iyo nolol maalmeedka dadka deegaanka.
Puntland ayaa hadda wajahaysa baaqyo iyo cadaadisyo la xiriira in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah burcad-badeedda, iyadoo loo baahan yahay iskaashi dhinaca amniga ah oo ay yeeshaan hay’adaha Puntland, dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku howlan sugidda amniga xeebaha Soomaaliya.

