Dhagaxii Ceel-Cali: Xildhibaan Jeesow

|

Su’aalo ayaa la iska weydiinayaa dhagax qaali ah oo lix sano ka hor laga helay Degmada Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay dhagaxaas qaaliga ah in loo qaaday dalka Shiinaha, halkaas oo lagu iibinayo.

Cilmi baaris ay sameysay jaamacad ku taalla dalka Canada ayaa lagu ogaaday in dhagaxa oo miisaankiisu dhan yahay 15 ton, lagana keenay hawada sare—gaar ahaan aagga u dhexeeya meerayaasha Maaris iyo Jubitar—ayaa ku soo dhacay dhulka.

Dhagaca Ceel Cali oo ku dhawaad 90% ka samaysan bir iyo nikel aad u adag, waxaa markii ugu horreysay magaalada Muqdisho ku baaray Barafasoor Cabdulqaadir Abiikar Xuseen, isagoo xilligaas ogaaday inuu yahay meteoriga oo cabbiray muggiisa iyo cufnaantiisa.

Sannado ka dib, saynisyahanno ka tirsan Jaamacadda Alberta ee dalka Canada ayaa jajab 70 garaam ah oo dhegaxaas ka mid ah ku sameeyay baaritaan cusub. Natiijadii ka soo baxday waxay noqotay mid taariikhi ah, maadaama ay ku dhex meel-gaareen laba macdan oo noocooda cusub cusub oo aan ka jirin dhulka, kuwaas oo loo bixiyay Elaliite iyo Elkinstantonite.

Magaca “eliite” wuxuu bixinayaa xaqiiqda ah in ay dhab tahay in macdantan laga soo saaray deegaanka Cel-Cali oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, “elkinstantonite” waxaa loogu magac daray khabiirka Nasa Lindy Elkins-Tanton.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News