Didbaxayaal Doolow ku gubay calamada Turkey iyo Egypt

|

Kumannaan qof oo deegaanka ah ayaa maanta isugu soo baxay magaalooyin ku yaalla gobolka Gedo ee Jubaland, iyagoo ka cabanaya duqeyntii ay Turkigu habeenkii Khamiista ka geysteen degmada Doolow.

Dibadbaxayaasha Doolow waxaa ku biiray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, oo uu ka mid yahay guddoomiyaha degmada Maxamed Xasan Laftay, kaas oo ka badbaaday isku day dil oo la sheegay in habeenkii Khamiista lagu qaaday.

Khudbad uu maanta ka jeediyay Doolow, ayuu guddoomiye Laftay ku sheegay in aysan cafin doonin Turkiga, isagoo duqeynta ku tilmaamay isku day dil oo siyaasadeed.

“Marna ma fileyn in muwaadin gurigiisa jooga ay Turkiga iyo dalal sida Masar oo kale ah isku dayaan inay ku dilaan si siyaasadeed,” ayuu yiri, isagoo tixraacaya duqeyntii cirka ee Doolow.

Dibadbaxayaal ayaa sidoo kale isugu soo baxay magaalada Garbahaarrey, halkaas oo ay ku gubeen calamada Turkiga iyo Masar.

Dadka ku bannaanbaxay Doolow iyo Garbahaarey ayaa cambaareeyay weerarka duqeynta ee Turkey ay ka fuliyeen degmada Doolow, iyada oo degmadaas ay xarun u tahay hay’adaha samafalka iyo dad badan oo barakacayaal ah.

“Weerarka waxaa fuliyay Turkey iyo niman calooshood u shaqeystayaal ah,” ayuu yiri guddoomiyaha Doolow, Maxamed Xasan Lafey.

Dadka mudaaharaadka ka qeyb galay ayaa sheegay inay u duceynayaan General Mahad Cabdiraxmaan oo ahaa shakhsigii lagu beegsaday weerarka duqeynta, kaas oo haatan dhaawac isaga iyo xaaskiisa uu kasoo gaaray weerarka duqeynta ah.

Turkey ayaa lagu eedeeyay inay ku dhex milmeen arrimaha colaadda Soomaalida dhexdeeda ah, waxaana dadka ay si adag u cambaareeyeen xukuumadda Muqdisho oo sida la sheegay qeyb ka ahaa weerarka degmada Doolow.

DHEERAAD:  Erdogan iyo Khilaafada Turkey; Masar Vs Itoobiya iyo Heshiiskii Ankara ee Xasan iyo Abiy

Guddoomiyaha Doolow ayaa soo jeediyay in colaadda ka taagan Koonfur Galbeed lagu wajaho hab wada hadal ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News