DJIBOUTI (Kaab TV) – Xilli dalka Djibouti uu isu diyaarinayo doorashooyinka soo socda, ayaa mucaaradka siyaasadeed qaaday tallaabo cusub oo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan taliska madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Hoggaamiyaha mucaaradka Daher Ahmed Farah ayaa dadweynaha ugu baaqay inaysan u soo bixin codeynta maalinka Jimcaha ee 10 Abriil 2026.
Tallaabadan ayaa imanaysa iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira hannaanka doorashada, xaddidaadda xorriyadaha siyaasadeed, iyo kalsooni darrada guud ee ku aaddan daahfurnaanta geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.

