Faafaahin: Qarax caawa ka dhacay Hargeysa

|

Faafaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax bambo-gacmeed oo cawaa ka dhacay  Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Bambada ayaa la sheegay inay ku qaraxday shaqsi aan weli si rasmi ah loo aqoonsan, kaas oo sida wararku sheegayaan gacanta ku hayay xilliga uu qaraxu dhacayay.

Dhawaaqa qaraxa ayaa si weyn looga maqlay qeybo kamid ah xaafadda Biibsiga ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo la sheegay inuu qaraxu ka dhacay. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay argagax ku abuurtay dhacdadu.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dhaawac culus uu soo gaaray qofkii gacanta ku hayay bambada iyo qof kale oo goobta ka ag dhawaa, kuwaas oo la sheegay in qaraxu uu si weyn u waxyeelleeyay.

Ilaa hadda lama soo sheegin khasaare kale oo ka dhashay qaraxa, waxaana weli socda xog uruurinta ku saabsan dhacdada iyo xaaladda dadka waxyeelladu kasoo gaartay.

Dhinaca kale :Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland afar askari oo ka yimid furimaha hore ee oog ayaa Bambo-gacmeed ay wateen ku qaraxaday, waxaana jira dhaawac Culus soo gaaray laba ka mid ah askartii uu Bambo-gacmeedkaas uu ku qarxay.

Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa si degdeg ah u gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoo halkaasi ka wada baaritaanno.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News