Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Baydhabo, kaas oo u dhexeeyay ciidamo taabacsan maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dagaalka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo maxaabiis la qabtay, iyadoo xaaladda magaalada ay weli tahay mid xasaasi ah, waxaana socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo lagu xaqiijinayo amniga.
Xogaha hordhaca ah ee laga helayo khasaaraha ayaa tilmaamaya in 105 qof oo dhaawac ah la geeyay goobo caafimaad, kuwaas oo la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qiyaastii 80 dhaawac ah ayaa la sheegay in loo qaaday magaalada Muqdisho, halka lagu kala daweeynayo isbitaallada Madiina iyo isbitaalka Xoogga,Sidoo kale, ku dhawaad 25 dhaawac ah ayaa lagu daweynayaa gudaha magaalada Baydhabo.
Dhaawacyada ayaa la sheegay inay ka kala tirsan yihiin ciidamada Gorgor, Haramcad, Boolis-Militari iyo qayb ka mid ah guutada 9-aad, oo sida xogaha la helayo lagu sheegay in laga keenay degmada Xudur.
Dhinaca ciidamada taabacsan maamulka Koonfur Galbeed, wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in 11 askari ay ku dhinteen dagaalka,Waxaa sidoo kale la sheegay in dadka dhintay uu ku jiro taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Ilaa hadda ma jirto xog dhammaystiran oo si madax-bannaan u xaqiijinaysa dhammaan tirada dhimashada iyo dhaawaca labada dhinac.
Dhanka kale, waxaa la soo bandhigay maxaabiis lagu sheegay inay ku jiraan ciidamo ka tirsanaa dhinaca weerarka soo qaaday,Tirada maxaabiista ah ayaa gaareysa 17 taas oo la soo bandhigay .

Wararka ayaa sheegaya in maxaabiista qaarkood lagu hayo gudaha magaalada Baydhabo, waxaana kamid ah nin magaciisa lagu sheegay Macallin Aadan.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ninkan ku eedeeyay inuu ku lug lahaa falal ay ku tilmaameen dhibaatooyin iyo amni-darro oo saameeyay bulshada magaalada.
Dagaalka ayaa saaka ka billowday gudaha Baydhabo, iyadoo ciidamada taabacsan Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ay isku dayeen inay la wareegaan qaybo kamid ah magaalada.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegayay in ciidamadaasi ay muddo kooban gacanta ku dhigeen goobo kamid ah magaalada, balse wararkii ugu dambeeyay ayaa tilmaamaya inay dib uga gurteenqaar kamid ah goobihii ay qabsadeen.
Dhinaca kale, ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka, ayna dib u celiyeen ciidamadii weerarka soo qaaday.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dagaalka lagu dilay ku dhawaad 30 qof oo ay ku tilmaantay maleeshiyaad weerarka soo qaaday.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in qaar kamid ah kooxihii dagaalka soo qaaday nolol lagu qabtay, iyadoo ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen hub iyo gaadiid dagaal.
Sida lagu sheegay bayaanka Wasaaradda, ciidamadu waxay sii wadaan howlgalka lagu xaqiijinayo amniga magaalada iyo baacsiga xubno ka tirsan kooxihii weerarka soo qaaday.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ay jiraan dad rayid ah oo dhaawacmay, inkastoo aan weli la hayn tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha shacabka.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa ka cararay goobihii uu dagaalku ka dhacay, halka dad kalena ay guryahooda ku xanibnaayeen sababo la xiriira rasaasta iyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada.
Xaaladda amni ee magaalada ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay isu-socodka dadka iyo adeegyada bulshada.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay muddooyinkii dambe sare u kacayeen khilaafaadka siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Baydhabo ayaa ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana magaalada muhiimad gaar ah u leh labada dhinac sababo siyaasadeed iyo amni awgood.
Xiisadda ayaa hadda u gudubtay iska-horimaad hubeysan, taas oo dhalisay walaac xooggan oo laga muujinayo xaaladda amni ee magaalada iyo saameynta ay dagaalladu ku yeelan karaan shacabka.

