MUQDISHO (Kaab TV) – Hadallo adag ayaa dhex maray hoggaanka mucaaradka Soomaaliya iyo safiirka Turkey ee Mogadishu Alper Aktaş , kaas oo maanta loo gudbiyay digniin ku aaddan in Ankara ka waantoowdo ku milanka siyaasadda iyo khilaafaadka gudaha ee Soomaaliya.
Ilo wareedyo ku dhow hoggaanka sare ee mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa u sheegay Kaab TV in kulan maanta ka dhacay Muqdisho oo u dhexeeyay danjiraha Turkey ee Soomaaliya iyo hoggaanka mucaaradka looga hadlay walaaca sii kordhaya ee ay bulshada Soomaaliyeed ka qabto doorka ay Turkey ka qaadanayso arrimaha gudaha dalka.
“Turkey waxaa loo sheegay inay faraha kala baxdo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isla markaana ay joojiso heshiisyada shidaalka ee sharci darrada ah ee ay la gasho maamulka Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud,” ayuu yiri ilo-wareed ka qeyb galay kulanka.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray in heshiisyada khayraadka dalka lagu geli karo oo keliya hannaan sharci ah oo waafaqsan dastuurka, isla markaana ay ka qeyb galaan dhammaan dowlad-goboleedyada dalka. Sidaa darteed, mucaaradku waxay ku doodeen in dowladda federaalka kaliya aysan geli karin heshiisyo noocaas ah iyadoo aysan jirin is-afgarad qaran.
Mucaaradka ayaa sidoo kale safiirka Turkey u sheegay in heshiisyada ay Ankara la saxiixanayso Madaxweyne Xasan Sheekh ay yihiin “waxba kama jiraan” ilaa ay dib u eegis ku sameeyaan baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya, isla markaana la helo dowlad leh sharciyad dhammaystiran.
Muddada xilka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eg 15-ka May 2026, iyadoo su’aalo badan laga keenayo heshiisyada degdegga ah ee dowladdiisu la gashay dalal ay Turkey ugu horreyso, kuwaas oo isugu jira baarista shidaalka, kalluumeysiga, iyo iskaashiga militari. Sidoo kale, 14-kii April waxaa dhammaaday muddada xilheynta baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ahayd afar sano.
Xubnaha hoggaanka mucaaradka ee kulanka la yeeshay safiirka Turkey ayaa sidoo kale kala hadlay khilaafaadka siyaasadeed ee dalka iyo adeegsiga hubka iyo ciidamada ay Turkey tababartay, arrintaas oo ay si weyn uga muujiyeen walaac.
Ilo wareedka la hadlay Kaab TV ayaa sheegay in safiirka Turkey Alper Aktaş uu ka cudurdaartay in magaca dowladdiisa lagu dhex daray khilaafaadka Soomaaliya, isla markaana uu muujiyay in Ankara ay diyaar u tahay inaysan faragelin ku sameyn arrimaha gudaha ee dalka.
Kulankan ayaa imaanaya bil kadib markii ciidamada Gorgor ee ay Turkey tababartay iyo diyaaradaha drones-ka ee Turkey ay u keentay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, la sheegay in dowladda federaalka u adeegsatay weerar ay ku qaadday magaalada Baidoa ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

