Fihiima Quuje oo dib ugu laabatay qaranka Somaliland

|

Fihiima Yuusuf Quuje oo ka mid ahayd xildhibaanada maamulka Waqooyi Bari ee fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ayaa maanta oo Jimce ah ku dhawaaqday inay iska casishay xilka xildhibaan ee ay beesheeda uga heysay maamulka, sida ay sheegtay.

Fihiima oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa barteeda Facebook ku shaacisay inay ka “tanaasushay Soomaaliweyn” ayna dib ugu laabatay qarankeedii Somaliland.

“Anigoo ah Fihiima Yuusuf Abdullahi Quujje, waxaan halkan ka cadeynayaa in ka tegey xilkii & xubinimadii Barlamaanka Woqooyi-bari ee aan Beeshayda ku metelayay,” ayey qoraal kooban oo war saxaafadeed ah ku sheegtay.

“Waxaan sidoo kale cadeynayaa inaan ka tanaasulay aragtidii Soomaaliweyn waxaanan dib ugu laabtay Qarankaygii Somaliland. Dib ayaan kasoo faahfaahinayaa wixii kale,” ayey ku soo gabagabeysay hadalkeeda.

Fihiima oo ah haweeney da’ yar oo siyaasi ah, aadna u dhaliili jirtay Somaliland ayaa hadda sheegtay inay is bedeshay.

Fihiima Quuje oo horey u degganeyd Hargeysa ayaa sannadkii 2023 ka qeyb qaadatay halgankii ay beesha Dhulbahante kaga hortimid ciidamada Somaliland, markaas oo ciidamada Somaliland ay dagaal dhiig badan ku daatay la galeen maleeshiyaadka beesha Dhulbahante, oo markii dambe taageero ka heley maleeshiyaadka qabaa’ilka Daarood.

"Anigoo ah Fihiima Yuusuf Abdullahi Quujje, waxaan halkan ka cadeynayaa in ka tegey xilkii & xubinimadii Barlamaanka Woqooyi-bari ee aan Beeshayda ku metelayay," ayey qoraal kooban oo war saxaafadeed ah ku sheegtay.
“Anigoo ah Fihiima Yuusuf Abdullahi Quujje, waxaan halkan ka cadeynayaa in ka tegey xilkii & xubinimadii Barlamaanka Woqooyi-bari ee aan Beeshayda ku metelayay,” ayey qoraal kooban oo war saxaafadeed ah ku sheegtay.

Dagaalkaasi ayaa sababay ugu dambeyn in ciidamada Somaliland ay ka baxaan magaalada Laascaanood, taasoo u gacan gashay maleeshiyaadka SSC-Khaatumo oo hadda isu rogay magaca Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u aqoonsatay maamul ka tirsan federaalka.

Puntland iyo Somaliland ayaase weli sheeganaya in deegaanada Sool iyo Sanaag oo Waqooyi Bari ay sheegeneyso, ay yihiin deegaanno ka tirsan Puntland iyo Somaliland.

Khilaafka Fihiima iyo Firdhiye

Ka dib xulitaankii golaha wakiiladda maamulka Waqooyi Bari bishii August 2025, waxaa Fihiima Quuje loo magacaabay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Waqooyi Bari, kaas oo lagu dhisay hab beeleed ku saleysan deegaanada Sool iyo Sanaag.

Hase yeeshee waxaa muddooyinkan dambe ay Fihiima dhaliilo u direysay maamulka Madaxweyne Cabduqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye oo lagu eedeynayo inuu u gacan galay nidaamka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo waqtigiisu dhammaaday.

Madaxweyne Cabduqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye
Madaxweyne Cabduqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye.

Dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyay inay maamulka Laascaanood u adeegsaneyso kicinta xiisado ka dhan ah Puntland iyo Somaliland.

Waxayna Fihiima dhowr jeer boggeeda Facebook ju qortay ereyo ay ku weerareyso nidaamka Firdhiye ee Laascaanood.

Ilo wareed ku dhow Fihiima ayaa Kaab TV u sheegay in Fihiima ay maalmaha soo socda tagi doonto Hargeysa, caasimadda Somaliland, halkaas oo la filayo in madax ka tirsan Somaliland ay ku soo dhoweeyaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News