Laascaanood (KAAB TV) – Garaadka Guud ee SSC-Khaatumo Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa maamulka Somaliland kaga digay qorshe dagaal oo ay dhowaanahaanba qorsheyneesay Soomaaliland.
Sidoo kale, Garaadka Jaamac ayaa maamulka Muuse Biixi Cabdi kaga digay inay soo weerarto Laascaanood oo horey uga baxday gacantooda.
“Inagu geed kale iyo guri kale duulaan kuma nihin, danina nooguma jirto, laakiinse danteena in aynu ilaashano Ilaahay waa inoo baneeyay waynanu awoodnaa,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.
“Laascaanood inaga ayaa iska leh cidna kama dhicn sidoo kalana aanan cidkale kaqeyb galineynin” ayuu hadalkiisa kusii daray Garaad Jaamac Garaad Cali.
Garaad Jaamac Garaad Cali hadalkiisa ayaa kusoo beegmaya, xilli dhawaan ay Somaliland sheegtay inay qorsheynayso duullaankii in ay ku qaado Laascaanood, si ay dib ugu soo celiso gacanteeda, xilli ay hadda gacanta kuheyso maamulka SSC-Khaatumo.
Ciidanka Soomaaliland ayaa sanadkii idlaaday ayaa waxa ay lumisay gacan kuheynta gobolka Sool, iyagoona hadda qorsheynaaya in xitaa ay dhaafi doonaan Laascaanood taas oo kadhigan in maamulka Muuse Biixi oo muddo xileedkiisa dhamaaday uu ku raadinaayo dhibco siyaasadeed oo uu kugalo doorashada.
Ugudambeyn, Ciidanka SSC-Khaatumo iyo kuwa Soomaaliland ayaa hada kula sugan meelo aan saas ukala fogeen, iyadoo marba marka kadambeysa ay hawada isu soo marinaayaan hanjabaado.

