MUQDISHO (KAAB TV) – Hoggaanka guud ee waxbarashada dowladda hoose ee Xamar ayaa maanta soo bandhigay natiijada imtixaankii fasalka 8-aad ee ardayda gobolka Banaadir oo ay u fariisteen 32,689 arday.
Sida ku cad natiijadii la soo gudbiyay, 2,103 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa ku dhacay imtixaankii, sida lagu sheegay warbixintii ka soo baxday agaasinka guud ee waxbarashada ee dawladda hoose ee Xamar, mana sii socon doonaan maadaama aanay keenin natiijooyin lagu qanco.
Dhammaan 30,586 arday ee ka gudbay ayaa fursad u heli doona in ay sii wataan waxbarashadooda dugsiga sare oo ay u gudbaan heerka labaad, waxaana sidoo kale ardaydii lagu wareejiyey dugsigii ay dhammeeyeen si ay u diwaan galiyaan ardaydii ka gudubtay iyo kuwa ku guul daraystayba. Imtixaanka si sahlan loo baadho oo loo diiwaan geliyo.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sanadihii ugu dambeeyay qaaday Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 8-aad. Ardayda ku dhacda imtixaanku waxay heli doonaan fursad ay dib ugu galaan imtixaanka sanadka soo socda.

