Golaha Guurtida Somaliland oo 27 bilood ku kordhiyey Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka

|

HARGEYSA (Kaab TV) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa Talaadadii, 28 Abriil 2026, ansixiyey muddo-kordhin dhan 27 bilood—oo u dhiganta laba sano iyo saddex bilood—oo loo sameeyey Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka, taas oo si rasmi ah dib ugu dhigtay doorashooyinkii la qorsheeyey in la qabto dhammaadka bisha May 2026.

Go’aankan ayaa imanaya xilli maalmihii u dambeeyey si weyn loo hadal hayey suurtagalnimada dib-u-dhac doorasho, kaddib markii xukuumaddu sheegtay in la magacaabay guddi farsamo oo ka talo bixiya jadwalka doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa hore, bishii Febraayo, u shaaciyey in aan suurtagal ahayn in doorashooyinkaas lagu qabto 31-ka May 2026.

Guddigu wuxuu sababaha dib-u-dhaca ku sheegay arrimo ay ka mid yihiin xaalado amni, caqabado farsamo iyo saamaynta abaaraha, isaga oo markaas dalbaday muddo-kordhin 10 bilood ah.

Hase yeeshee, Golaha Guurtida ayaa ka gudbay muddadii uu guddigu soo jeediyey, isaga oo ansixiyey muddo-kordhin gaadhaysa 27 bilood.

Arrintan ayaa mar kale dib u soo celisay doodda ku saabsan soo noqnoqoshada muddo-kordhinnada iyo saamaynta ay ku leeyihiin hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

Golaha Guurtida, oo ka kooban 82 oday oo dhaqameed, ma aha gole si toos ah loo doorto, balse waxa uu door muuqda ku leeyahay go’aamada siyaasadeed iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxaa durba soo baxaya walaac la xidhiidha in go’aankan uu saamayn ku yeesho doorashooyinka madaxtooyada Somaliland, kuwaas oo hore dhowr jeer dib u dhacay.

Madaxweyne Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro ayaa, khudbaddiisii sannadlaha ahayd, kaga hadlay caqabadaha la xidhiidha dib-u-dhaca doorashooyinka, isaga oo qiray in dib-u-dhac kasta uu saamayn taban ku yeelan karo dimuqraadiyadda, xasilloonida siyaasadeed iyo sumcadda caalamiga ah ee Somaliland.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ku dadaashay qabsoomidda doorashooyinka waqtigooda, balse uu xusay in arrimaha farsamo ee la xidhiidha diyaarinta iyo hirgelinta doorashooyinka ay mas’uuliyaddeeda leeyihiin hay’adaha doorashada, gaar ahaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Wuxuu intaas ku daray in talooyinka farsamo ee guddigu soo jeediyo ay muhiim tahay in la tixgeliyo, maadaama ay yihiin hay’adda sharci ahaan u xil-saaran maamulka doorashooyinka.

Doorka Golaha Guurtida ee doorashooyinka Somaliland

Muddo-kordhintan cusub ayaa sidoo kale dib u soo noolaysay dood muddo dheer taagnayd oo ku saabsan doorka Golaha Guurtida.

Su’aasha ugu weyn ee mar kale la is weydiinayo ayaa ah in goluhu weli yahay hay’ad ilaalisa xasilloonida, dhaqanka iyo dhexdhexaadinta khilaafaadka, ama uu isu beddelay gole sharciyeeya muddo-dhaafka hay’adaha la doorto.

Dastuurka Somaliland wuxuu Golaha Guurtida u aqoonsan yahay aqalka labaad ee Baarlamaanka, isaga oo u xilsaaraya arrimaha diinta, dhaqanka, nabadaynta iyo ilaalinta xasilloonida bulshada. Sidoo kale, dastuurku wuxuu dhigaya in xubnaha Guurtida lagu doorto hannaan sharci qeexo, iyadoo muddo-xileedkooduna yahay lix sano.

Hase yeeshee, tan iyo markii la aasaasay Golaha Guurtida, xubnihiisu si toos ah ugama qaybgelin doorasho dadweyne, arrintaas oo sii xoojinaysa doodda ku saabsan sharciyaddiisa iyo kaalinta uu maanta ka ciyaaro nidaamka siyaasadeed ee Somaliland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News