Dab xooggan oo saaka ka kacay xarumo ganacsi oo ku yaalla Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan, gobolka Banaadir, ayaa sababay khasaare hantiyeed oo baaxad leh, iyadoo dabku uu saameeyay goobo ganacsi oo lagu iibiyo mootooyinka, agabka dayactirka iyo qalabka kale ee gaadiidka.
Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in dabku uu si gaar ah uga kacay xarun ganacsi oo lagu magacaabo Saddex Shanaad, taas oo lagu iibiyo qalabka gaadiidka iyo agabka Spare Parts-ka. Dabku markii dambe ayuu ku fiday goobo kale oo ganacsi oo ku dhowaa xarunta uu markii hore ka bilowday.
Milkiilaha xarunta uu dabku ka kacay ayaa warbaahinta u sheegay in dabka uu ka dhashay koronto, isaga oo tilmaamay in markii uu dabku bilowday ay adkaatay in la xakameeyo, taasina ay sababtay inuu ku faafo hantida ganacsiga.
Ganacsatada ay dhibaatadu saameysay ayaa wajahaya khasaare dhaqaale oo culus. Milkiilaha xarunta Saddex Shanaad ayaa sheegay in hantida ku gubatay goobta ay qiimaheedu gaari karto nus milyan oo doollar, isaga oo xusay in goobta ay yaalleen mootooyin cusub iyo kuwo hore loo isticmaalay.
Waxaa sidoo kale gubtay agab ganacsi oo kala duwan, qalabka lagu dayactiro mootooyinka iyo alaabo kale oo ganacsatadu ku tiirsanaayeen.
Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa cabasho ka muujiyay waqtiga uu qaatay gurmadka dab-demiska. Milkiilaha xarunta uu dabku ka kacay ayaa sheegay in gurmadku soo daahay, taas oo uu ku tilmaamay sabab ka mid ah waxyaabihii keenay in dabku sii xoogeysto.
Dhanka kale, gaadiidka dab-demiska ayaa markii dambe gaaray goobta, iyaga oo isku dayay inay xakameeyaan dabka kana hortagaan inuu ku sii faafo xarumaha kale ee ganacsiga.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda ayaa gaaray Isgoyska Tarabuunka, halkaas oo ay ka sameeyeen sugidda amniga iyo xakamaynta isu-socodka dadka iyo gaadiidka.
Tallaabadan ayaa timid iyadoo laga cabsi qabay in goobaha ganacsi ee dabku saameeyay ay ka dhacaan falal amni-darro ama boob loo geysto hantida ganacsatada.
Ilaa hadda lama hayo tiro rasmi ah oo ku saabsan dadka waxyeelladu soo gaartay, mana cadda in ay jiraan dhaawacyo ama dhimasho ka dhalatay dhacdadan.
Dabka ka kacay Tarabuunka ayaa mar kale soo celinaya walaaca laga qabo badbaadada xarumaha ganacsiga ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobaha ay ku badan yihiin alaabaha si fudud u guban kara.

