Golaha SSC oo dowlada Somaaliya ka raalli geliyey eedeyn dhawaan ka soo yeertay

|

Laascaanood (KAAB) – Golaha sare ee dhaqanka SSC oo shir ku yeeshay magaalada Laascaanood ayaa soo saaray qodobbo dhowr ah oo ay sheegeen in ay kasoo baxeen shirkooda.

Qodobada shirka waxaa ka mida in goluhu uu raalli gelin ka bixiyay hadal dhowaan kasoo yeeray oo ahaa in dowladda Soomaaliya ay raalli ka tahay dagaalka Somaliland ka wado Laascaanood.

Sidoo kale golaha dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa lagu sheegay in ey dowladda Soomaaliya kadalbanayaan in iyaga iyo Soomaaliland eysan isla simin sababtoo waa dad rabo in ey dalka kala gooyaan sida muuqata lana wada ogyahay.

Dhanka kale, warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in ey dowladda Soomaaliya ey Isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ey ugu mahadcelinayaan sidii ey ugu gurmadeen dhaawacyaadii iyo dhamaan dadkii kabarakacay magaalada Laascaanood, iyo sidii ey ugu muujiyeen garab istaaga buuxa.

Sidoo kale, goluhu waxey dowladda kacodsadeen in ey soo fududeyso xuquuqda dadka deegaanka ey SSC-Khaatumo masuulka katahay lana siiyo wixii ey xaq ulahaayeen.

Dhanka kle, waxey baaq udireen beesha caalamka oo ay kacodsadeen in caawinaadyo deg deg ah lagaarsiiyo dadkii kubarakacay dagaalada kasocda gudaha magaalada Laascaanood oo ay kuwada dagaalameen SSC-Khaatumo iyo Soomaalilan.

Shirkan ayaa ku soo beegmay iyadoo weli ay socdaan dagaalada u dhexeeya dadka deegaanka iyo Somaliland.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News