Muqdisho (KAAB TV) -Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, James Swan.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta Golaha Shacabka iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Mudane Swan ayaa guddoomiyaha baarlamaanka uga warbixiyay howlaha socda iyo qorshayaasha ay Qaramada Midoobay ku taageereyso nabad-dhisidda, dowladnimada, iyo dadaallada horumarineed ee Soomaaliya.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Qaramada Midoobay ku ammaanay iskaashiga iyo taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Wuxuu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay doorka Qaramada Midoobay ee kaalmeynta hannaanka dowlad-dhisidda Soomaaliya, wuxuuna ku booriyay in la sii wado lana xoojiyo iskaashiga.
Kulanka ayaa ku soo idlaaday iyadoo la isku afgartay in la sii xoojiyo xiriirka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeya Baarlamaanka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ee ku aadan hiigsiga la wadaago ee ah horumarinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

