MUQDISHO (KAAB TV) – Hogaamiyayaasha Soomaaliya ayaa yeeshay aqoon-is-weydaarsi saddex maalmood ah oo wadatashi ah si loo dejiyo qaab-dhismeed sharci oo adag iyo kaabayaal adeegsiga aqoonsiga dhijitaalka ah.
Kulanka oo uu furay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf ayaa waxaa isugu yimid qeybaha kala duwan ee bulshada sida madaxda dowladda, wakiilo ka socday Qaramada Midoobay iyo bulshada rayidka ah.
Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo qaabayn lahaa mustaqbalka aqoonsiga qaran ee waddanka Geeska Afrika.
Sida uu sheegay maareeyaha hay’adda aqoonsiga iyo diiwaan gelinta qaranka Soomaaliyeed ee NIRA Cabdiweli Timacadde, hay’addan ayaa door dhexaad ah ka ciyaarta doodaha, isla markaana ay hormuud u tahay hagidda nidaamka haqab-tirka baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay in maamulku uu sidoo kale hubin doono in geeddi-socodku u hoggaansamo heerarka qaranka iyo kuwa caalamiga ah.
Timacadde ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in laga wada kulmo horumarinta nidaamka aqoonsiga qaran.
“Kulankan wada-tashigu waxa uu calaamad u yahay safarkayaga ku aaddan hannaanka aqoonsiga dhijitaalka ah ee dalkeena,” ayuu yidhi.
“Innagoo isu keenaya daneeyayaasha kala duwan iyo ka faa’iidaysiga tignoolajiyada casriga ah, waxaan aasaaska u dhigaynaa hannaan aqoonsi oo sugan, hufan, oo loo dhan yahay, kaasoo awood u siin doona shacabka Soomaaliyeed, xoojinta dowladnimada dalkeenna.”
Timacadde ayaa bogaadiyay dadaallada wadajirka ah ee hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee lagu taageerayo kaabayaasha aqoonsiga Soomaaliya.
Ka qaybgalayaashu waxay wadaageen warbixino qoto dheer, fikrado cusub, iyo talooyin qiimo leh oo diiradda lagu saaray horumarinta nidaamka aqoonsiga dhijitaalka ah ee casriga ah.
Dooduhu waxay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la sameeyo hannaan la isku halayn karo oo waafaqaya shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ahba.
Isticmaalka tignoolajiyada casriga ah si kor loogu qaado hufnaanta iyo amniga nidaamka aqoonsiga ayaa sidoo kale lagu celiyay si loo suurtageliyo in si hufan loo maareeyo aqoonsiga muwaadiniinta Soomaaliyeed.
“Iyadoo la fududeynayo aqoonsiga muwaadinka ee sugan oo lagu kalsoonaan karo, qaab-dhismeedka aqoonsiga dhijitaalka ah ee adag wuxuu xoojin doonaa adeegyada kala duwan ee dawladda, hagaajinta helitaanka fursadaha, iyo xoojinta amniga qaranka.”
Shirkan wadatashiga ah ayaa la filayaa inuu noqdo qorshe loo marayo socdaalka aqoonsiga dhijitaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo tilmaamaya tallaabo muhiim ah oo loo qaaday mustaqbal loo dhan yahay oo sugan.

