Isbeddelka Golaha Guurtida wuxuu muujinayaa casriyeynta dowladnimada Somaliland

|

Axaddii lasoo dhaafay ee 12 July 2026, waxaa xilka guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland iska casilay Saleebaan Maxamuud Aadan ka dib markii uu sheegay inuu “daalay, uuna gaboobay”, uuna go’aansaday inuu xilka wareejiyo ka hor intaysan xusuustu ka tegin.

Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa xilkan guddoomiyaha Guurtida hayay tan iyo 18 kii August 2004, markaas oo uu geeriyoday guddoomiyihii Guurtida ee waqtigaas Sheikh Ibraahim Sheikh Yuusuf Sheikh Madar. Waana 22 sano ku dhowaad.

Saleebaan wuxuu Guurtida ka tirsanaa ku dhowaad 34 sano, sida uu sheegay Axaddii markii uu saxiixay warqaddii is-casilaaddiisa.

“Waxaan idinka codsanayaa inaad iga aqbashaan is casilaadda oo aad i fasaxdaan,” ayuu yiri Saleebaan.

Suleymaan, oo si weyn loogu yaqaano “Saleebaan Gaal” wuxuu haatan maraya 92 jir, waxaana loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu da’da weyn Somaliland.

Dad badan ayaa u arkay tallaabada Saleebaan uu qaaday mid sax ah maadaama shaqada Guurtida u taalla ay tahay mid culus, una baahan qof saacado dheeraad ah shaqeyn kara.

Saleebaan ayaa sheegtay in duruufaha da’da iyo caafimaadkiisa darteed aanu sii wadi karin shaqada adag ee u taalla Guurtida Somaliland oo ah aqalka sare ee Golaha Baarlamaanka Somaliland.

Doorashada Guddoonka Guurtida

Isla maalinkii uu is-casilay guddoomiyihii Guurtida, waxaa codsiga musharraxnimada soo gudbiyay saddex musharrax.

Markii Golaha uu ansixiyey is-casilaadda Guddoomiyihii hore, waxa si rasmi ah loogu dhawaaqay musharraxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo kala ahaa: Xildhibaan Muuse Xaaji Cabdi Ducaale
Xildhibaan Sahal Iidle Dirir iyo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo markii dambe shaaciyay inuu ka tanaasulay musharraxnimadiisa.
Doorashada oo dhacday isla maalinkaas Axadda ee 12 July 2026, ayaa waxaa 73 mudane ay si gacan taag augu codeeyeen in Xildhibaan Muuse Xaaji Cabdi Ducaale uu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Guurtida Somaliland.
Waxaa codeynta aan ka qeyb galin Saleebaan Maxamuud Aasan oo isagu iska casilay xilka guddoomiyaha iyo xubinnimadiisa golaha, halka 8 xubnood ay u codeeyeen musharaxa labaad ee Sahal Iidle Dirir.
Golaha Guurtida ayaa ka kooban 82 mudane.
Golaha Guurtida Somaliland. | Sawirka 12 July 2026.
Golaha Guurtida Somaliland. | Sawirka 12 July 2026.

Waa maxay shaqada Golaha Guurtida?

Golaha Guurtida Somaliland wuxuu ka mid yahay hay’adaha ugu muhiimsan ee dhismaha dowladnimada Somaliland, isagoo ah aqalka sare ee baarlamaanka oo matala odayaasha dhaqanka iyo beelaha kala duwan.
Gudaha Somaliland, Guurtidu ma ahan oo kaliya gole baarlamaan ee waa gole oday dhaqameed oo door weyn ku leh nabadaynta, xallinta khilaafaadka beelaha iyo dhismaha nidaamka siyaasadeed ee Somaliland tan iyo markii la aasaasay 1993.
Waxa loo aqoonsan yahay inay yihiin gole  cuqaal oo isku xira dhaqanka Somaliland iyo nidaamka dowladeed ee casriga ah, iyadoo marar badan dhex-dhexaadisay khilaafaadyo siyaasadeed iyo kuwo bulsho.
Isbeddelka Axaddii ka dhacay hoggaanka Guurtida, gaar ahaan dhammaadka xilligii dheer ee Saleebaan Maxamuud Aadan  oo muddo ku dhow 22 sano ahaa guddoomiyaha golaha, wuxuu furayaa dood cusub oo ku saabsan dib-u-habayn iyo casriyeyn.
Inkastoo Guurtidu leedahay taariikh iyo sumcad ku salaysan xalinta khilaafaadka beelaha, haddana muddo dheer oo aan doorasho ama cusboonaysiin buuxda lagu samayn sharciyadda golaha ayaa dhalisay su’aalo la xiriira matalaadda, isla xisaabtanka iyo la jaanqaadka nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland sida weyn ugu faanto.

Maxaa horyaalla Guurtida?

Shaqada hortaalla Guurtida iyo guddoonkooda cusub waxay tahay inay ilaaliyaan doorkii dhaqameed ee goluhu lahaan jiray, isla markaana ay la jaanqaaddo baahida dowladnimada casriga ah ee Somaliland.

Guurtida oo in badan lagu eedeeyo inay horseedaan muddo kordhinta golayaasha dowladda oo sababtay in dhowr doorashooyinka golayaasha deegaanka dib loo dhigo, ayay tahay inay sidoo kale iska meyraan fadeexaddaasi, oo ay si dhab ah u muujiyaan adkeynta dimuqraadiyad ku saleysan ee doorashooyinka ay waqtigooda ku dhacaan.

Isbeddelka Golaha Guurtidu wuxuu noqon karaa fursad lagu xoojinayo kalsoonida shacabka, lagu kobcinayo nidaamka sharci dejinta, laguna ilaalinayo doorka odayaasha dhaqanka iyadoo aan laga tegin qiyamka bulshada Somaliland.

Ciro oo Tel Aviv ka furay Madasha Ganacsiga Somaliland & Israel {Sawirro}
Ciro oo Tel Aviv ka furay Madasha Ganacsiga Somaliland & Israel {Sawirro}

Dhanka kale, waxay isbeddelada Guurtida imaanayaan xilli Somaliland ay wajahayso marxalad siyaasadeed oo cusub kadib markii ay heshay aqoonsi caalami ah oo ay ka heshey Israel, tallaabadaas oo Somaliland ku tilmaantay guul taariikhi ah, balse sidoo kale dhalisay dood iyo walaac gobolka iyo caalamka ah.

Aqoonsigaas wuxuu Somaliland u keenayaa fursado cusub oo diblomaasiyadeed iyo dhaqaale, laakiin wuxuu sidoo kale kordhinayaa masuuliyadda saaran hay’adaha dowladda inay muujiyaan xasillooni, hufnaan iyo nidaam dowladeed oo shaqaynaya, iyo dhowridda ku dhaqanka dastuurka, oo ay ku jirto doorashooyin aan muddo dhaaf ahayn.

Sidaas darteed, mustaqbalka Golaha Guurtida Somaliland wuxuu ku xirnaan doonaa sida ay uga jawaabto laba baahi oo is barbar socda: ilaalinta doorkeedii taariikhiga ahaa ee nabadda iyo xasilloonida, iyo u gudubka hannaan dowladeed oo casri ah oo ku habboon Somaliland, oo raadinaysa aqoonsi iyo xiriir caalami ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News