Jaaliyadaha Somaliland iyo Koonfur Galbeed oo dibadbax ka wada New York
Jaaliyado ka kala socda Somaliland iyo Koonfur Galbeed ayaa maanta dibadbax ka dhigaya magaalada New York, gaar ahaan agagaarka xarunta Qaramada Midoobay.
Dibadbaxayaasha ayaa la sheegay inay doonayaan inay muujiyaan aragtidooda ku aaddan siyaasadaha iyo arrimaha Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sugan yahay magaalada New York.

