Jubbaland oo ka hortimid mowqifka Xasan Sheekh ee xiriirka Imaaraadka, kuna tilmaantay madaxweyne muddadii xil-heyntiisa dhammaatay

|

Maamulka Jubbaland ayaa si adag uga horyimid mowqifka Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo ku eedeysay madaxweynaha muddadii xil-heyntiisa dhammaatay inuusan keligiis go’aan ka gaari karin xiriirka diblomaasiyadeed ee dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland, Mukhtaar Sheekh, oo ka hadlayay kulan lagu taageerayay Imaaraadka oo ka dhacay magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in Imaaraadku uu Soomaaliya garab istaagay xilliyadii adkaa, gaar ahaan kaddib burburkii dowladdii dhexe.

Wuxuu sheegay in Imaaraadku uu door muhiim ah ka qaatay taageerada ganacsiga iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo xusay in dekedda Muqdisho ay ku xiran yihiin 12 markab iyo 10 doon oo Imaaraadka ka yimaada.

Mukhtaar Sheekh ayaa su’aal geliyay sababta loo doonayo in la jaro xiriirka labada dal, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay dhaawici karto danaha ganacsi iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu soo bandhigay mashaariicda Imaaraadku ka fuliyay Jubbaland, gaar ahaan dib-u-habaynta dekedda Kismaayo, oo uu sheegay inay abuurtay fursado shaqo, isla markaana ay ku shaqeeyaan ku dhowaad 500 oo qof.

Wuxuu intaas ku daray in taageerada Imaaraadku ay sidoo kale ka mid yihiin hirgelinta nidaamyada tamarta cadceedda ee xarumaha muhiimka ah, taageerada waxbarashada iyo mashaariic kale oo bulshada wax ka taray.

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqay inay ka fiirsadaan baaqyada lagu doonayo in xiriirka Imaaraadka la jaro, isagoo ku dooday in xiriirka labada dhinac uu muhiim u yahay ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.

DHEERAAD:  Maersk oo kordhinaysa khidmadaha xamuulka ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya

Dhanka kale, Mukhtaar Sheekh ayaa dhaliilay hoggaaminta Xasan Sheekh, isagoo ku eedeeyay inuu arrimaha xiriirka dibadda u adeegsanayo dano gaar ah. Wuxuu sheegay in madaxweynaha muddadii xil-heyntiisa dhammaatay, isla markaana uusan keligiis go’aan uga gaari karin xiriirka Soomaaliya iyo dalalka kale.

Mowqifka Jubbaland ayaa kusoo biiraya khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Dowladda Federaalka, kaas oo hadda taabanaya arrimaha xiriirka dibadda iyo sida loo maareynayo xiriirka Soomaaliya la leedahay Imaaraadka Carabta.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News