MUQDISHO (Kaab TV) -Shirkadda caalamiga ah ee maraakiibta iyo gaadiidka xamuulka ee Maersk ayaa ku dhawaaqday in ay khidmad cusub oo dheeraad ah ku soo rogi doonto xamuulka ka yimaada Turkiga ee ku wajahan Soomaaliya.
Khidmadan cusub oo loo yaqaan Peak Season Surcharge (PSS) ayaa dhaqan geli doonta 28-ka Luulyo 2026, waxaana ay sii jiri doontaa ilaa shirkaddu ka soo saarto ogeysiis kale. Maersk ayaa sheegtay in khidmaddu ay khuseyso konteenarrada qalalan ee xamuulka.
Sida tarifka cusub, konteenarka 20-foot ah waxaa lagu kordhin doonaa 200 oo dollar, halka konteenarrada 40-foot iyo 45-foot ah lagu dari doono 300 oo dollar.
Si fudud, tani waxay ka dhigan tahay in qiimaha xamuulka Turkiga laga soo diro ee Soomaaliya loo soo raro uu kordhayo, maadaama lacag cusub lagu darayo khidmadihii hore ee jiray. Maersk waxay sidoo kale caddeysay in PSS-kan lagu dari doono khidmadaha kale ee maxalliga ah iyo khidmadaha xaaladaha gaarka ah ee hore uga jiray khadka ganacsi ee Turkiga iyo Soomaaliya.
SPOT bookings, oo ah dalabyo xamuul oo qiimaha iyo booska markabka si gaar ah loogu xaqiijiyo waqtiga booking-ka, ayaan khidmadan lagu soo rogi doonin. Hase yeeshee, dalabaadka caadiga ah ee aan SPOT ahayn ayaa lagu dabaqi doonaa khidmada cusub, iyadoo lagu saleynayo taariikhda xisaabinta qiimaha ee Maersk.
Maersk ayaa sheegtay in khidmaddu dhaqan geli doonto laga bilaabo 28-ka Luulyo 2026 ilaa ogeysiis dambe.

