MUQDISHO (Kaab TV) -Walaaca laga qabo burcad-badeednimada ayaa si degdeg ah uga sii xoogaysanaya gobolka Geeska Afrika, kadib markii laba markab la afduubtay iyo dhacdooyin kale oo shaki leh oo laga soo sheegay galbeedka Badweynta Hindiya, taasoo keentay in saraakiisha amniga badda ay sare u qaadaan heerka khatarta gobolka.
Qiimeyntiisii ugu dambeysay, Xarunta Wadajirka ah ee Macluumaadka Badaha (Joint Maritime Information Center) ayaa sheegtay in xeebaha Soomaaliya ay wajahayaan khatar burcad-badeednimo.
“Waxaa jira calaamado badan oo muujinaya khatar burcad-badeednimo oo dhab ah oo ka jirta gobolka,” ayaa lagu yiri digniinta, iyadoo maraakiibta lagu booriyay inay feejignaan sare muujiyaan isla markaana dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo u gudbiyaan ururka la socodka amniga maraakiibta ee United Kingdom Maritime Trade Operations iyo MSCIO.
Digniintan ayaa timid kadib markii burcad-badeeddu toddobaadkii hore saacado gudahood ku qabsadeen laba markab oo ganacsi oo marayay xeebaha bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo labadaba loo leexiyay gudaha biyaha dhulka Soomaaliya.
Dhacdooyinka cusub ayaa muujinaya in khatartu aysan ku koobnayn hal goob. 1-da May, markab xamuul ah oo marayay marinka caalamiga ah ee IRTC ayaa soo sheegay in ay u soo dhowaadeen doon yar oo ay saarnaayeen toddoba qof oo hubeysan, meel qiyaastii 92 mayl-badeed u jirta koonfur-galbeed ee Al Mukalla, Yemen.
Maalmo ka hor, markab shidaal siday oo ku sugnaa qiyaastii 500 mayl-badeed bariga Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay u soo dhowaadeen dhowr doonood oo yaryar, oo ay ku jirtay mid loo maleynayo inay ahayd doon dheeraysa, hase yeeshee ay dib uga laabteen markii ay arkeen ilaalo hubeysan.
Masaafada fog ee ay weerarradani ka dhacayaan ayaa walaac gaar ah ku abuurtay falanqeeyayaasha amniga, kuwaas oo aaminsan in tani ay muujinayso dib u soo noqoshada burcad-badeedda, taas oo u suuragelin karta inay weerarro ka fuliyaan meelo ka sii fog xeebaha Soomaaliya.

