Khilaaf u dhexeeya Firdhiye iyo ku-xigeenkiisa oo soo shaac baxay

|

Khilaaf la sheegay inuu u dhexeeyo Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa soo shaac baxay kaddib markii Madaxweynaha uu dib ugu laabtay magaalada Laascaanood, isagoo muddo ka badan 50 maalmood ka maqnaa deegaannada maamulka.

Firdhiye ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Laascaanood, waxaana soo dhaweyntiisa ka qeyb galay xubno ka tirsan goleyaasha maamulka, saraakiil ciidan, isimmo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada.

Si kastaba, waxaa goobta ka maqnaa Madaxweyne ku-xigeenka Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, taas oo sii xoojisay hadal-heynta ku saabsan kala aragti duwanaanshaha la sheegay inuu ka dhex jiro labada mas’uul.

Khilaafka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo magacaabista taliyaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo la sheegay inuu kasoo jeedo gobolka Sanaag.

Sida xogaha laga helayo ay sheegayaan, Madaxweyne ku-xigeenka ayaan lagala tashan magacaabista taliyaha, arrintaas oo la sheegay inay dhalisay kala aragti duwanaansho u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Firdhiye.

Magacaabista taliyaha ayaa kusoo beegmaysa xilli maamulka Waqooyi Bari uu xoogga saarayo dhismaha iyo tayeynta ciidamada, gaar ahaan isku-xirka ciidamada maamulka iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, dadka soo dhaweeyay Firdhiye ayaa ku ammaanay doorkii uu ku lahaa dhismaha Taliska Qaybta 26-aad iyo arrimaha ciidamada maamulka. Waxa kale oo lagu xusay doorkiisa ku aaddan fasaxa mushaharka ku dhowaad 2,500 oo askari oo ka tirsan ciidamada Waqooyi Bari Soomaaliya.

DHEERAAD:  Maxaa kajira in ciidanka dowladda ay ka bexeen degmada Ceeldheer?

Maqnaanshaha Madaxweyne ku-xigeenka ee soo dhaweynta ayaa sidaas darteed noqday arrin si weyn loo hadal hayo, iyadoo su’aalo laga keenayo xaaladda xiriirka labada mas’uul iyo saameynta uu khilaafka la sheegay ku yeelan karo maamulka.

Si kastaba, ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Waqooyi Bari ama Madaxweyne ku-xigeenka oo si cad u xaqiijinaya khilaafka ama sharaxaya sababta uu uga maqnaa munaasabadda soo dhaweynta.

Firdhiye ayaa hadda dib ugu laabtay Laascaanood xilli maamulka uu wajahayo arrimo badan oo la xiriira amniga, dhismaha hay’adaha iyo isku-duwidda ciidamada.

Waxaa la filayaa in soo laabashada Madaxweynaha ay horseeddo kulamo iyo wadatashiyo uu la yeesho madaxda maamulka, saraakiisha ciidamada iyo isimada, iyadoo indhaha lagu hayo sida loo maareyn doono arrinta ka dhalatay magacaabista taliyaha Qaybta 26-aad.

Haddii khilaafka la sheegay uu sii socdo, waxaa muhiim noqon doonta in labada mas’uul ay ka wada shaqeeyaan sidii loo ilaalin lahaa wada-shaqeynta hoggaanka maamulka iyo in arrimaha ciidamada lagu saleeyo habraac iyo wadatashi.

Ilaa iyo hadda, sababta rasmiga ah ee Madaxweyne ku-xigeenka uga maqnaa soo dhaweynta Firdhiye iyo halka uu marayo khilaafka la sheegay ayaan si rasmi ah loo caddeyn.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News