SO | EN

SO | EN

Laascaanood: Wariye iyo sagaal oday dhaqameed oo xiran, SJS oo dalbatay in la sii daayo

|

Ururka Somali Journalists Syndicate (SJS) ayaa Booliska Laascaanood ugu baaqay inay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u sii daayaan wariye Abdirahman Ali Duale, kaas oo magaalada Laascaanood ku xirnaa tan iyo 19-kii November, kaddib markii uu baahiyay muuqaal ay odayaasha deegaanka kaga hadlayeen baaq nabadeed.

Sida uu sheegay Ururka SJS, wariyaha Abdirahman Ali Duale oo ka howlgala gobolka Sool ayaa la xiray 19-kii November 2026, kaddib markii uu baahiyay muuqaal ay ka muuqdeen odayaal dhaqameed ku sugan deegaanka Guumays, kuwaas oo ku baaqayay nabad, wada-noolaansho iyo in la joojiyo colaadaha ka jira dhulka miyiga ah ee gobolka Sool.

Muuqaalka ay SJS sheegtay inay dib u daawadeen, isla markaana uu baahiyay Daldoon TV, ayaa odayaasha deegaanka Guumays 17-kii November kaga hadlay joojinta xatooyada xoolaha, dilalka aanooyinka qabiilka iyo noocyada kale ee rabshadaha ku saleysan qabyaaladda.

Odayaasha ayaa sidoo kale ku baaqay in xoolaha loo oggolaado inay si nabad ah uga daaqaan dhul-daaqsimeedyada ay bulshooyinku wadaagaan, isla markaana dadka safarka ah ee ku luma ama ku xannibma deegaan aysan aqoon loo fududeeyo inay si nabad ah ugu laabtaan deegaannadooda.

Gobollada Sool iyo Sanaag ayaa ka mid ah deegaannada ay si weyn u saameeyeen isbeddelka cimilada, colaadaha soo noqnoqda ee beelaha iyo barakaca, kuwaas oo sii xumeeyay xaaladda nololeed ee dadka deegaanka.

SJS ayaa sheegtay in xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, kuwaas oo soo jiitamayay tan iyo 2023-kii, ay hadda saameyn sii kordheysa ku leeyihiin nolosha bulshada xoolo-dhaqatada ah, kuwaas oo durba wajahaya dhibaatooyin ka dhashay isbeddelka cimilada, colaadaha iyo xaaladaha nololeed ee adag.

DHEERAAD:  Muqdisho oo laga Bilaabay Olole lagula Dagaalamayo Caagadaha iyo bacaha la Isticmaala.

Ururka SJS ayaa ku baaqay in wariyaha la sii daayo, isagoo walaac ka muujiyay xarigga loo geystay kaddib baahinta muuqaal ay odayaasha dhaqanku ku dalbanayeen nabad iyo wada-noolaansho bulshada dhexdeeda ah.

 

Screenshot taken from Daldoon TV video of 17 November featuring a group of clan elders who spoke in Guumays, Sool region.
Screenshot taken from Daldoon TV video of 17 November featuring a group of clan elders who spoke in Guumays, Sool region.

Mukhtar Abdi Jama oo ka tirsan Ururka Suxufiyiinta Waqooyi Bari ayaa SJS u sheegay in wariye Abdirahman Ali Duale markii hore lagu hayay saldhigga booliska Laascaanood muddo shan maalmood ah, kaddibna loo wareejiyay xabsiga dhexe ee Laascaanood, halkaas oo uu weli ku xiran yahay. Booliska ayaa sidoo kale xiray sagaal ka mid ah odayaashii dhaqanka ee 17-kii November baaqa nabadeed ka jeediyay deegaanka Guumays, kuwaas oo iyaguna weli ku jira xabsiga.

Wariyaha Abdirahman Ali Duale ilaa hadda wax dacwad ah laguma soo oogin.

Wariye deegaanka ah oo ay saaxiib yihiin Abdirahman Ali Duale ayaa SJS u sheegay in boolisku ay wariyaha ka qaateen taleefankiisa gacanta markii la xirayay.

Booliska Laascaanood weli wax war ah kama soo saarin xarigga wariyaha Abdirahman Ali Duale iyo odayaasha dhaqanka.

Maamulka Waqooyi Bari, oo ka dhashay maamulkii SSC-Khaatumo sanadkii 2025, ayaa lagu eedeeyay inuu kordhiyay hanjabaadaha iyo cadaadiska uu ku hayo suxufiyiinta deegaanka. Sida ay diiwaangelisay SJS, tan iyo bishii July 2025, maamulka Laascaanood ayaa xiray ugu yaraan lix wariye. Hanjabaadaha, cabsi-gelinta iyo xarigga aan sharciga waafaqsanayn ee suxufiyiinta ayaa weli socda, gaar ahaan kuwa ka warbixiya arrimaha siyaasadda iyo amniga ee mas’uuliyiinta deegaanka.

“Waxaan si xooggan u cambaareynaynaa xarigga sharci-darrada ah ee wariye Abdirahman Ali Duale loogu geystay Laascaanood, halkaas oo uu hadda ku xiran yahay isaga oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin. Waxaan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta Waqooyi Bari ee Laascaanood inay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u sii daayaan Abdirahman, isla markaana ay joojiyaan dhibaataynta suxufiyiinta ka warbixiya arrimaha danaha guud,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Mumin.

DHEERAAD:  Safiirka Mareykanka oo la kulmay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo uu kala hadlay dadaallada ka dhanka ah Argagixisada.

“Wax khalad ah kuma jiro wariye ka warbixinaya baaqyada nabadeed, xilli abaaro daba-dheeraaday iyo isbeddelka cimiladu ay saameyn ku leeyihiin nolosha dadka, sida xaaladda bulshada miyiga ah ee gobollada Sool iyo Sanaag. Mas’uuliyiinta Laascaanood waa inay fahmaan in shaqada suxufiyiinta madax-bannaan ay tahay inay u adeegaan bulshada oo ay codkeeda noqdaan, taasina waa waxa uu Abdirahman Ali Duale sameynayay,” ayuu intaas ku daray Abdalle Mumin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News