Uganda oo sagootisay ciidamo ka tirsan Guutada 45-aad ee ka howlgashay Soomaaliya muddo hal sano ah

|

Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Mouktar Osman Karie, ayaa Muqdisho ku sagootiyay ciidamo ka tirsan Guutada 45-aad ee Uganda, kuwaas oo soo dhammaystay muddo hal sano ah oo ay ka howlgaleen Soomaaliya, iyagoo qeyb ka ahaa howlgalka taageerada iyo xasilinta Soomaaliya.

Danjire Karie ayaa ciidamada ku bogaadiyay gudashada waajibaadkooda intii ay ku jireen howlgalka Soomaaliya, isaga oo xusay doorkii ay ka qaateen taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida iyo amniga dalka.

Taliyaha Qaybta Koowaad ee ciidamada Uganda, Sarreeye Guuto Jackson Kayanja, ayaa isaguna ammaanay wada-shaqeynta dhow ee Guutada 45-aad ay la sameysay Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed iyo bulshada deegaanka, taas oo qeyb ka ahayd dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.

Guutada 45-aad ayaa dhowaan qeyb ka ahayd geeddi-socodka wareejinta shan saldhig oo hoos yimaada saldhigga yar ee Baraawe, kuwaas oo lagu wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo tallaabadaasi ay qeyb ka tahay qorshaha kala-guurka amniga iyo sidii ciidamada Soomaaliyeed ay si tartiib ah ula wareegi lahaayeen mas’uuliyadda amniga dalka.

Taliyihii xilka ka degayay ee Guutada 45-aad, Gaashaanle Sare Dr. Justus Kayanja, ayaa sidoo kale ciidamada ku ammaanay waxqabadkooda, dadaalkooda iyo sida ay u guteen waajibaadkii loo igmaday intii ay Soomaaliya ka howlgalayeen.

Sagootinta ciidamada Uganda ayaa ku soo aadeysa xilli ay sii kordhayaan qorshayaasha la xiriira kala-guurka amniga Soomaaliya, iyadoo Uganda ay hore u shaacisay qorshe ku saabsan dhimista iyo kala bixitaanka ciidamadeeda Soomaaliya laga bilaabo 2027, taas oo qeyb ka ah dib-u-eegista doorka ciidamada dalalka ku jira howlgalka Midowga Afrika.

DHEERAAD:  Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne oo la xiray

Uganda ayaa muddo dheer door muhiim ah ku lahayd howlgalada ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo dalkaasi uu ka mid ahaa dowladihii ugu horreeyay ee ciidamo u soo dira Soomaaliya sanadkii 2007-kii, xilligii howlgalka AMISOM, kaas oo markii dambe loo beddelay ATMIS, haatanna loo yaqaan AUSSOM.

Kala-guurka amniga Soomaaliya ayaa weli wajahaya caqabado waaweyn, kuwaas oo la xiriira awoodda ciidamada dowladda, taageerada saadka, dhaqaalaha howlgalka, amniga saldhigyada ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo qorshayaasha dhimista ciidamada shisheeye ay u baahan yihiin in si taxaddar leh loo waafajiyo awoodda ciidamada Soomaaliyeed.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News