Labo nin oo ku labisnaa dareyska ciidanka dowladda oo xalay dil ugeystay nin gacansade ahaa

|

Muqdisho (KAAB TV) – Faahaafino kala duwan ayaa kasoo baxaya dil xalay loo geystay ganacsade Yuusuf Cali Xuseen kaas oo ka dhacay duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha.

Sidoo kale, ganacsade Yuusuf Cali Xuseen oo lahaa Carwo lagu iibiyo dharka ayaa waxaa goobtiisa ganacsiga ugu tagay labo nin oo ku labisnaa dareyska ciidanka dowladda, kuwaas  oo weydiiyay in uu bixiyo lacag baad ah balse uu iska diiday in uu bixiyo lacagta baada ah.

Dhanka kale, dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in askarta hubeysan ay rasasa la dhaceen ganacsade Yuusuf Cali Xuseen, kaddib markii uu diiday bixinta lacagta baadda ah ee la weediiyay, dilka kaddib ayeyna raggii hubeysnaa goobta isaga baxsadeen.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala deegaanka Ceelasha Biyaha ayaana gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada sheegeen in ay wadaan howlgal ay ku baadigoobayaan raggii ka dambeeyay dilka ninka ganacsadaha.

Sikastaba, askarta katirsan ciidanka dowladda ayaana mararka qaar dilal, dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesta dadka shacabka ah, waxaana askartaasi badankood ka baxsadaan laamaha caddaalada iyaga oo hubkii loogu tala galay in shacabka ku difaacaan u qaatay in ay shacabka ku dhibaateeyaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News