Garowe (KAAB TV) – Maalmo kahor ayey aheyd markii saddex degmo oo katirsan gobolka Nugaal ee maamulka Puntland ka dhacday doorashada golaha deegaanka, doorashadaasi oo aheyd mid xasaasi ah waxaa ku tartamay xisbiyada ka jira deegaannada maamulka Puntland.
Sidoo kale, doorashada golaha deegaanka ayaa ka dhacday degmooyinka Garawe , Dangoronyo iyo Godobjiiraan, waxaana dadka degan degmooyinkaasi soo dooranayeen xildhibaannada ku matelaya golaha deegaanka ee degmooyinkaasi.
Dhanka kale, Kuraasta ugu badan ee doorashada golaha deegaanka ee ka dhacday saddexda degmo waxaa helay xisbiga talada maamulka Puntland haya ee Kaah, waxaana kusoo xigay xisbiga kale mucaaradka ee Horseed oo isna helay kuraas badan oo xildhibaannada golaha deegaanka.
Sikastaba, maamulka Puntland ayaa noqotay maamulkii ugu horeeyay oo qabata doorasho qof iyo cod ah, waana markii ugu horeysay gobolka kamid ah Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho noocan.


