Macallin Mahdi oo u hanjabay saraakiisha Ciidanka Cirka ee ku sugan Afisyooni

|

Macallin Mahdi ayaa hadallo hanjabaad ah u jeediyay saraakiisha Ciidanka Cirka Soomaaliya ee ku sugan xarunta Afisyooni, kaddib markii uu halkaasi tagay iyadoo uu muran ka taagan yahay dhul ay ciidamada dowladda isticmaalaan.

Muuqaal laga duubay dhacdada ayaa muujinaya Macallin Mahdi oo si toos ah ula hadlay saraakiisha Ciidanka Cirka, isagoo sheegay inuu maalinta xigta goobta kusoo weerari doono ciidamada Haramcad.

“Berri ayaan Haramcad idinku soo weerarayaa, warqad official ahna waa soo qaadanaynaa,” ayuu yiri Macallin Mahdi, sida ka muuqata muuqaalka.

Dhacdadan ayaa kusoo beegantay xilli muran xoogan uu ka taagan yahay dhul ku yaalla agagaarka xarunta Afisyooni, iyadoo ay goobta ku sugan yihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Ciidamada ku sugan xarunta ayaa ah saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidanka Cirka Soomaaliya, kuwaas oo goobta u jooga howlo ciidan.

Muran ka dhashay isticmaalka dhulka ayaa sababay in xaaladdu kacsanaato, iyadoo dhinacyada ku lugta leh ay isku hayaan cidda xaqa u leh goobta iyo sida loo maamulayo.

Dhacdadan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maareynayo murannada dhulka ee ka dhex dhaca shacabka, ganacsatada iyo hay’adaha dowladda.

Macallin Mahdi waxaa goobta ku wehliyay ganacsade lagu magacaabay Mursal Kadiye, kaas oo lagu xusay inuu xiriir la leeyahay muranka dhulka.

Xogta laga helayo dhacdada ayaa tilmaamaysa in muranka uu ku saabsan yahay dhul loo adeegsado ama ay isticmaalaan Ciidamada Qalabka Sida.

Hadalkii Macallin Mahdi ee ahaa inuu ciidanka Haramcad ku weerari doono xarunta ayaa noqday qaybta ugu weyn ee dhacdadan dhalisay walaaca.

DHEERAAD:  Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo u hambalyaysay madaweynaha Puntland Siciid Deni

Ciidamada Haramcad waa ciidan ka tirsan hay’adaha amniga Soomaaliya, waxaana su’aal weyn dhalinaysa haddii ciidan dowladeed loo adeegsan karo xallinta muran dhuleed oo u dhexeeya dhinacyo gaar ah.

Khilaaf kasta oo ku saabsan dhul ay isticmaalaan Ciidamada Qalabka Sida wuxuu u baahan yahay in lagu xalliyo hannaan sharci iyo mid dowladeed, si looga fogaado isku dhac dhex mara ciidamada dowladda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News