Muqdisho (KAAB TV) – Siyaasiyiinta caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho .
Weerarkan oo mas’uuliyadiisa ay sheegatay Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Madaxweynayaashii hore ee Sheekh Shariif Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo hadda ah Madaxweynaha Puntland ayaa ka mid ahaa dadkii si cad u cambaareeyey weerarkaasi Hadalkoodu waxa uu ka turjumayaa mawqif midaysan oo lagaga hortagayo colaadda mar kale gilgishay qaranka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ku baaqay in feejignaan dheeri ah la muujiyo isla markaana loo baahan yahay in la is garab istaago shacabka Muqdisho. Maayar Jimcaale ayaa shacabka kula dar daarmay in ay ka digtoonaadaan oo ay is garab istaagaan si looga hortago qatarta argagixisada. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga bulshada si loo xaqiijiyo badbaadada iyo wanaagga dhammaan dadka deegaanka.
Wasiir ku xigeenka caafimaadka Dr. Bulaale ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday. Wuxuu caddeeyay sida ay dowladda uga go’an tahay inay taageero iyo gargaar u fidiso dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay weerarka. Dr. Bulaale waxa uu ku nuuxnuuxsaday sida ay dawladdu ugu heelan tahay u gurmashada dadka dhaawaca ah iyo taageeridda kooxaha caafimaadka ee sida hagar la’aanta ah ugu hawlan wax ka qabashada dhibaatada.
Hadalka Hogaamiyayaasha ayaa hoosta ka xariiqay in go’aan wadareed laga gaarayo khatarta joogtada ah ee Al-Shabaab iyo in la taageero dhibanayaasha iyo qoysaskooda. Baaqa feejignaanta iyo midnimada wuxuu muujinayaa baahida degdega ah ee loo qabo in si wadajir ah looga jawaabo argagixisada iyo saameynta ay ku leeyihiin bulshada Soomaaliyeed.

