Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan Ah Al-Shabaab Oo Ka ka bilaaban doono Galbeedka Hiiraan.

|

Baledweyne (KAAB TV)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shaaca ka qaaday in uu qorsheynayo howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab kaasi oo ka socda Galbeedka Gobolka Hiiraan. Talaabadan ayaa ku soo aadaysa iyadoo qayb ka ah dadaalada socda ee lagu xasilinayo laguna sugayo amniga deegaanka.

Kulamo is daba joog ah oo uu la qaatay qeybaha bulshada iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Jalalaqsi ayuu Madaxweyne Guudlaawe ku faah faahiyay ujeedooyinka laga leeyahay howlgallada socda, waxaana uu kala hadlay sidii loo heli lahaa dadaallo wadajir ah oo dhex mara maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka.

“Bulshada ku nool Hirshabeelle waxaa looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan xoreynta reer galbeedka Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolkaba waxa ay ku dadaalayaan sidii howlgalkaan loogu guuleysan lahaa. Awoodeenu waxay ku jirtaa midnimadeena, waana inaan ka wada shaqaynaa soo celinta galbeedka,” ayuu ku nuux-nuuxsaday.

Ku dhawaaqista ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyadda ballaaran ee Madaxweyne Guudlaawe uu ku doonayo in lagu xoojiyo ammaanka gobolka, gaar ahaan goobihii dhawaan laga saaray Al-Shabaab oo uu mashaariic ka bilaabay oo uu booqday todobaadkii hore.

Booqashadiisa uu ku kala bixiyay degmooyinka kala duwan ayaa diirada lagu saaray sidii uu xaalada ugu kuur gali lahaa iyo sidii loo taageeri lahaa duulaanka la qorsheeyay.

Howlgalka soo socda ayaa ujeedkiisu yahay in la sii wiiqo joogitaanka Al-Shabaab iyo wanaajinta xasiloonida gobolka Hiiraan, taasi oo muujineysa sida ay uga go’an tahay sare u qaadida amniga iyo maamulka deegaanka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News