Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Shirkii ka dhacay Muqdisho.

|

GARAWE(KAAB TV)- Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul uga hadlay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho. Deni ayaa kulanka ku tilmaamay mid aan ka turjumayn danaha shacabka Soomaaliyeed. Deni waxa uu ku dooday in go’aannada khuseeya danta guud aysan ahayn in ay gaaraan koox yar oo gaar ah balse ay tahay in laga wada qeyb qaato si loo xaqiijiyo waxtarka. “Waxa ka socda golaha wada tashiga qaran ma ahan wax ay Puntland qayb ka tahay, mana ahan wax ay Puntland ku faraxsan tahay” ayuu yiri Deni. Wuxuu ku nuux-nuux saday baahida loo qabo in golayaasha dowladda ay isku yimaadaan oo ay dadka ka qeyb-galiyaan hababka go’aan qaadashada. “Go’aamada ay gaareen dad yar oo aan ka tarjumayn dareenka dadka ayaa dilaya waqti,” ayuu yiri Deni. Wuxuu rajo ka muujiyay in caqligu uu guuleysto oo si sax ah uga tarjumo xaaladda Soomaaliya, iyadoo la tixgelinayo kala duwanaanshaha dadkeeda. “Puntland waxaa ka go’an inay ilaaliso midnimada qarankeena, waxayna sii wadi doontaa inay raadiso wada shaqayn la’aan dawladda Soomaaliya.” Ka baaqashada Deni ee shirarkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran, oo arrimo muhiim ah looga hadlay, ayaa waxay hoosta ka xariiqday inuusan ku qanacsanayn. Waxa uu si cad u sheegay in Dowlad Goboleedka Puntland aysan raali ka aheyn qodobadii lagu heshiiyey shirka, isagoo horay u diiday. Hadalka Deni ayaa muujinaya xiisadda ka dhex aloosan dowladda Federaalka iyo Puntland iyo sida loogu baahan yahay in si weyn looga wada qeyb galo go’aannada qaran ee Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News