Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Jamhuuriyadda Jabuuti

|

Jabuuti (KAAB TV) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, isaga oo sidoo kale usii gudbaya dalka Itoobiya oo ay ku gaari doono booqasho rasmi ah.

Madaxtooyada Soomaaliya oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in Madaxweynaha uu la kulmi doono dhiggiisa dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Gelle, ayna ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka.

“Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka” ayaa lagu yiri qoraalka Villada.

Intaas kadib Madaxweynaha Soomaaliya ayaa usii u gudbi doono magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku ballan yihiin ra’iisul Abiy Axmed, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan iyo Abiy ayaa kulankooda si gaar ah diiradda ugu saari doono arrimaha ka taagan gobolka, gaar ahaan xiisadda sare u kacday ee Itoobiya iyo dalalka Badda-cas.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News