Jowhar (KAAB TV) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii saddexaad ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan deegaanka Warqaadi, isagoo kala hadlay doorka ay ku leeyihiin howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa intii uu kulanka socday ku nuux nuuxsaday in dowladda Federaalka ay diyaarisay qalab, gaadiid, agab ciidan, iyo hub si loo dhameystiro howlgalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu kormeer ku tagey xerada ciidanka xoogga dalka ee ku taalla deegaankan, kaasoo ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ka helaan baahiyo farsamo oo ku aaddan jiidda hore ee dagaalka iyo sidii loo dhameystiri lahaa howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab.” sheegay.
Madaxweynaha ayaa sanadkii la soo dhaafay waxa uu ku jiray safka hore ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, xilligaasi oo ciidanka ay dib ugala wareegeen deegaano badan oo ay kaga sugnaayeen Al-Shabaab. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Federaalka ayaan faah faahin dheeraad ah ka bixin xilliga ay dib u billaabayaan howlgallada ka socda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

