Madaxweyne Biden Oo Farriin U Diray Maalinta Xornimada Soomaaliya.

|

WASHINGTON (KAAB TV) -Dhambaal ka soo baxay Aqalka Cad ayuu Madaxweyne Joe Biden ugu hambalyeeyay shacabka Mareykanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda sanadguurada 64-aad ee xornimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Mareykanka iyo Soomaaliya, isagoo ku nuux-nuuxsaday dadaallada iskaashiga ah ee lagu abuurayo mustaqbal wanaagsan oo ubadkooda iyo caalamkaba ah. “La-hawlgalayaasha muhiimka ah, waddamadeenu waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan si ay u dhisaan adduun ka wanaagsan carruurteena, iyo carruurta meel kasta oo ay joogaan,” ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Waxa uu sidoo kale qiray doorashadii Soomaaliya ee dhawaan ka dhacday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, guul la taaban karo oo ka tarjumaysa horumarka uu dalku ku tallaabsaday iyo kalsoonida beesha caalamka ee mustaqbalka.

Isagoo horay u eegayay, Madaxweyne Biden waxa uu muujiyay sida uu ugu hamuumaynayo xoojinta iskaashiga labada dawladood iyo saaxiibtinimada waarta ee ka dhexeeya dadkooda, gaar ahaan marka ay Soomaaliya la wareegto mas’uuliyadda amniga ee Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Madaxweyne Biden wuxuu u rajeeyay Soomaaliya farxad iyo damaashaad nabadeed oo lagu maamuusayo madax-bannaanidooda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News