Madaxweyne Erdogan oo sheegay in dowladiisa ay diyaar utahay in ay dhex-dhexaadiso dagaalka Urkraine iyo Ruushka

|

Ankara (KAAB TV) – Madaxweynaha dalka Turkiga Raceb Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dowladiisa diyaar u tahay in ay dhax dhaxaadiso dowladaha Ruushka iyo Ukraine oo u dhaxeeyo dagaal dabadheeraaday dhiig badana uu ku daatay.

Sidoo kale, Erdogan oo kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalka Ruushka Vladamir Putin , ayaa u sheegay in dowladiisa diyaar u tahay dhameynta iyo xal u helida dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukrain, waxa uuna xusay in nabadeyn caddaalad ah oo ku habboon labada dhinac la sameyn karo.

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale kala hadlay dhigiisa Putin dagaalka ka socda magaalada Gaza iyo xasuuqa ciidamada Israel u geeysanayaan shacabka Falastiin, waxa ayna isla qaadaa dhigeen labada dhinac sida ugu habboon ee colaada loo soo gabagabeyn karo duullaankaasi.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay Madaxweynaha dalka Ruushka, ayaa kahor yimid dhax dhaxaadinta Madaxweyne Erdogan, waxa uuna sheegay in Madaxweyne Erdogan uusan door dhax dhaxaadin ah ka qaadan karin dagaalka Ruushka iyo Ukraine u dhaxeeya.

Ugudambeyn, dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa socda muddo ka badan 28-bil , mana muuqato ilaa hadda dedaalo xal loogu raadinayo si dagaalkaasi waqtigiisa dheeraaday dhiiga badana uu ku daatay loo soo afjari lahaa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News