Jowhar (KAAB TV) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah ‘As’ oo ka socda Galbeedka Dowlad Goboleedka si looga xoreeyo deegaannada weli ku harsan gacanta dagaalyahannada Al-shabaab.
Khudbad uu ka jeediyay Munaasabad soo dhaweyn ah oo Golaha Deegaanka Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ay u sameeyeen Xarunta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.
“Waa inaan u midownaa ka Hir-shabeelle ahaan sidii aan u xoreyn lahayn deegaankeena. Nabadda aan ku soo aragnay bariga waa in la geeyaa wabiga galbeed, waana in aan u midownaa sidii aan cadowga deegaankeena uga xoreyn lahayn nabad iyo xasilooni, ma jiri doonto nabad ka dhalata dowlad goboleedka Hir-shabeelle inta la joogo. ” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in abaabulka iyo u diyaar garowga dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ guud ahaan uu yahay ujeedo ay iska kaashadeen bulshada iyo maamulka si deegaanada weli gacanta ugu jira Alshabaab looga xoreeyo, loona gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah. dadka degan deegaanadaas.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa safar shaqo ku tagay Warsheekh,Raagge-Ceellle,Cadalle,Masjid Cali Gaduud,Al-Kowsaar,Aadan-Yabaal,Moqokori,Tardo,Jalalaqsi,Ceel-baraf. Biyo-Cadde, Mahadaay iyo deegaano kale oo dhowr ah.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa soo gabagabeeyay safarro toddobaadyo ah oo uu ku marayay deegaannada la xoreeyay, taasoo qayb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo lagu xoojinayo guulaha laga gaaray Al-shabaab laguna kobcinayo deegaan ku habboon horumar iyo nabad waarta ee Soomaaliya.
Madaxda ugu sareysa dowladda oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in gebi ahaanba la dagaallamo Al-Shabaab inta laga gaarayo guul, iyadoo wada shaqeynta dhif iyo naadir ee dhexmarta ciidamada dowladda federaalka, saaxiibada caalamiga ah iyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawisley ay gacan ka geysatay in laga soo saaro guulihii ugu muhiimsanaa ee laga gaaray Al-Shabaab. -Dagaalyahannada Al-Shabaab oo dhowr goobood oo muhiim ah laga saaray kooxda.

