Muqdisho (KAAB TV) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale sheegay in kooxda Al-Shabaab ay colaado ka dhex hurineyso beelo dhowr ah oo ka tirsan gobollada dalka si ay khilaaf uga dhex abuuraan.
Madaxweynaha oo Sabtidii khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku nuux-nuux saday in hadafka kooxdan uu yahay sidii ay u carqaladeyn lahaayeen wajiga labaad ee howlgalka ay dowladdu ku xoreyneyso deegaannada ay weli gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
“Waa qeyb ka mid ah qorshaha argagixisada ay ku doonayaan inay dadkeena isku soo jeediyaan si looga weeciyo xoreynta dalka, taasi ma dhici doonto, dalkeena waxaan ka dhigeynaa mid nabad ah, dalkana laga saarayo Khawaarijta.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. .
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaallada dowlad goboleedyada iyo odayaasha dhaqanka ay ka wadaan joojinta colaad beeleedyo ka dhacay gobolka Mudug, kuwaasoo sababay dhimashada ku dhawaad 30 qof iyo dhaawaca 50 kale.
Dagaal beeleedyadii u dambeeyay ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, degmada Luuq, gobolka Mudug iyo gobolka Shabeellaha Hoose Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleed maanta ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

