Cosoble oo ku baaqay in la kala diro Dowlad Goboleedka Hirshabeelle

|

Beledweyne (Kaab TV) – Cali Cabdullaahi Cosoble  oo soo noqday Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu kala diro Maamulka Hirshabeelle.

“Dadka reer Hiiraan waa ay diideen Hirshabeelle, waxaana cadeynayaa in uu meesha ka baxay isaga oo ah Madaxweynihii ugu horeeyay,”ayuu yiri Cosoble.

Waxa uu ahaa Madaxweynihii ugu horeeyay Hirshabeelle Waxa uu eeda dusha ka saarayaa Madaxweyne Cali Guudlaawe oo uu ku sheegay in uu yahay “xukun nin kaliya ah” oo uu ku kala fogeeyay degaannadii muhiimka ahaa ee Hiiraan iyada oo loo marayo hoggaan daba dheeraaday oo sii xumeeyay xiisadihii jiray.

“Mudadii uu xilka hayay Cali Guudlaawe waxa ay keentay caro baahsan sida ay muujiyeen dadweyne aad u fara badan oo u dabaaldegayay maamul goboleedka Hiiraan kulamadan waxa ay muujinayaan niyad jabka weyn ee reer Hiiraan.

Dhismaha Hirshabeelle 2016 wuxuu ahaa mid lagu muransanaa bilowgii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa isku dartay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe in laga dhigo hal maamul oo federaal ah, inkastoo madaxda Hiiraan ay ka soo horjeesteen kuwaasoo dabada ka riixayay in maamul gaar ah loo sameeyo Habkan ka-reebista, oo lagu sameeyay degdeg, ayaa seeska u dhigay cabashooyinka socda DFS oo u hanqal taageysa qabashada doorasho, waxa ay dano siyaasadeed ka hormarisay is afgarad, taasoo sii hurisay cabashooyinkii Hiiraan. Dadka deegaanka ayaa ku doodaya in hannaanka doorashada uu ku yimid faragelin federaal ah.

Xaaladdu waxay cirka isku shareertay 2020 markii Madaxweyne Guudlaawe, oo ka soo jeeda beesha Abgaal ee Shabeellaha Dhexe loo doortay.

Beesha Xawaadle ee ugu badan Hiiraan ayaa arrintan u aragta mid jabinaysa heshiis aan rasmi ahayn oo ‘is afgarad’ ah, kaasoo ahaa in magaalada Jowhar ee Shabeellaha Dhexe loo asteeyay caasimadda Hirshabeelle, halka beesha Xawaadle oo u badan tahay Hiiraan la siiyay madaxweynaha. Go’aanka ah in magaalada Jowhar ay sii ahaato caasimadda dowlad goboleedka ayaa sii fogeysay kala qeybsanaantaas.

Waxa la odhan karaa, labada reer waxay fasiraadyo is khilaafsan ka bixiyeen heshiiskii aan rasmiga ahayn ee asalka ahaa. Hogaamiye yaasha Xawaadle ayaa aaminsanaa in ay u horseedayso in ay muddo dheer sii maamulaan madaxtooyada, halka madaxda Abgaal ay u arkayeen qaab ku meel gaadh ah, oo socon doona afar sano oo kaliya, ka dibna madaxwaynuhu u wareegi karo beelaha kale.

Xiisada ka taagan Hiiraan kuma ekaan hadallo siyaasadeed oo kaliya. Waxaa soo ifbaxay iska caabin hubeysan oo ka dhan ah maamulka Hirshabeelle, gaar ahaan Golaha Samata bixinta Hiiraan oo uu hoggaaminayo Jeneraalkii hore ee ciidamada xoogga dalka Abuukar Warsame Xuud. Maleeshiyada ayaa muddo sanad ka badan is hortaag ku sameeyay caleema saarka Madaxweyne Guudlaawe ee Beledweyne, iyagoo dalbanayay FMS u gaar ah Hiiraan.

“Xalka kaliya ee lagu xalin karo waa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu burburiyo Hirshabeelle, isla markaana uu abuuro nidaam daboolaya baahida dadka oo dhan,” ayuu ku dooday Cosoble, isagoo ku baaqay in la kala diro dowlad-goboleedkaas oo uu ku sameeyo wareegto madaxweyne.

Maamulka Hirshabeelle ayaa tan iyo markii la dhisay waxaa soo wajahay caqabado. Dawladdu waxay la daalaadhacday sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd, iyada oo kala qaybsanaantu ay ka hortagtay dakhli ururin wax ku ool ah iyo dawladnimo. Isqabqabsiga joogtada ah ee ka dhashay qaabka beelaha ee xildhibaanada dowlad goboleedyada iyo ciidamada amaanka ayaa sii curyaamiyay maamulka.

Caqabadaha ka jira gobolka waxaa sii dheer in Al-shabaab ay weli dhaqdhaqaaqyo ka wadaan deegaano badan oo ka tirsan Hirshabeelle.

Hadalka Cosoble ee ah in la kala diro ayaa ka tarjumaysa niyad jabka ballaaran ee ay qabaan dadka reer Hiiraan. “Maamulka Hiiraan”, inkastoo aan si rasmi ah loo aqoonsan, haddana waxa uu u soo ifbaxay fal-celin ku aaddan dayac iyo duudsi ay sannado badan la kulmeen madaxda Hirshabeelle.

Hadalka Cosoble ayaa daba socda dabaal degyo ballaaran oo todobaadkii hore ka dhacay magaalada Beledweyne ee magaalada Muqdisho iyo guud ahaan caalamka oo loogu dabaal dagayo maamulka isku magacaabay Hiiraan State.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News