Magaalada Kismaayo oo laga hirgaliyay waddooyin cusub kuwaas oo leh caalamado aqoosi sida Mombasa oo kale

|

Kismaayo (KAAB TV) – Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay aad looga dareemay isbadal dhinaca amniga, iyo sidoo kale mid lagu hormarinayo waddooyinka magaaladaasi oo horey u burbursanaa.

Sidoo kale, waddooyinka magaalada Kismaayo oo sannado badan burbursanaa ayaa dib loo dhisay, waxaana waddooyinkaasi laga dhisay laamiyo, iyadoona muuqaalka magaalada wax badan ka bedeleen waddooyinka la dhisay.

Qaar kamid ah Waddooyinka ayaa sidoo kale laga dhisay calaamado bilicda magaalada sii qurxiyay, calaamadan soo jiidashada leh ayaana u muuqata mid laga soo koobiyay calaamada aqoonsiga u ah magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.

Ugudambeyn, maamulka Jubbaland oo gacanta ku haya magaalada Kismaayo ayaa muddooyinkii dambe ka shaqeenayay horumarka magaalada dekadda leh, waxaana magaalada sidoo kale laga dhisay dhismayaal qurux badan oo dabaqyo dhaadheer ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News