Mareykanka iyo Sacuudiga oo wadagalaya heshiis istaraatiijadeed kaasi oo balan qaadaya in Mareykanku difaacaayo Sacuudiga

|

New York (KAAB TV) – Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhow inuu dhameystiro heshiis lala galo Sacuudi Carabiya, kaasi oo u ballanqaadaya in Mareykanka uu difaaco boqortooyada, islamarkaana qeyb ka ah heshiis looga gol leeyahay dhiiri-gelinta xiriir diblomaasiyadeed oo dhex-mara Riyadh iyo Israel, waxaa sidaas Axaddii qoray wargeyska Wall Street Journal oo oo soo xiganaya saraakiil Mareykan iyo Sacuudiyaan ah.

Sidoo kale, heshiis suurto-galka ah oo ay si weyn uga shaqeeyeen Maraykanka iyo masโ€™uuliyiin kale muddo toddobaadyo ah, ayaa qayb ka ah xirmo ballaaran oo ay ku jiraan heshiis nukliyeer oo dhex-mara Maraykanka iyo Sucuudiga, tillaabooyin loo qaadayo dhismaha dawlad Falastiin ah iyo soo afjarida dagaalka Gaza ka socda, halkaasi oo dadaallo xabad joojin oo bilo socday ku guuldareysteen in ay nabad ka keenaan.

Dhanka kale, ansixinta heshiiska, ayaa ah mid looyaqaano heshiiska Isbahaysiga Istaraatiijiga ah, ayaa u baahan doonaa saddex-meelood laba-meelood codka aqlabiyadda Senate-ka Mareykanka, taasi oo ay adkaan doonto in la helo haddii aan heshiiska lagu xirin xiriir dhex-mara Israaโ€™iil iyo Sucuudiga.

Sikasataba, heshiiska qabyada ah waxaa loo qaabeeyey si u eg heshiiska amniga wadajirka ah ee Washington ay la gashay Japan, sida uu wargeysku ka soo xigtay saraakiisha Mareykanka iyo Sacuudiga.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News