Morocco (KAAB TV) – Waxaa maanta lafilayaa in dalka Masar uu kafurmo shirweyne looga hadlaayo xaalada xaalada iyo colaada kataagan magaalada Gaza ee dhulka reer Falastiin waxaana shirkan soo agaasimay madaxweynaha dalka Masar Abdifatah Al Sisi.
Sidoo kale, Shirkan ayaa lafilayaa iney kasoo qeyb galaan wadamo badan iyadoona shirkan looga arrinsan doono xaalada Gaza sidii loogu heli lahaa xal waara iyadoo Gaza liskuugu daray go’doomin iyo duqeyn aan kala joogsi leheyn.
Dhanka kale, Masar ayaa shaaca kaqaaday in shirkan maanta kafurmaayo dalkaasi iyadoo ey kasoo qeyb galayaan wafuud heer caalami ah oo ka kala socoto 31 dal, saddex Urur caalami ah iyo Xoghayaha Qaramada Midoobay.
Dalalka laxaqiijiyay iney kasoo qeyb galayaan waxaa kamid ah Qatar, Iran, Greece, Palestine, the UAE, Bahrain, Saudi Arabia, Kuwait, Iraq, Italy, Britain, Spain, Cyprus, Turkey, Israel, Brazil, China, America, Morocco, South Africa, Norway, Russia iyo Golaha Europe (The European Council).
Dagaalka kasoconaya 14 maalmood Gaza ee udhexeeyo Israa’iil iyo Falastiin ayaa waxaa noloshooda kuwiiqay in kabadan 4 kun oo qof oo dad shacab ah oo reer Falastiin ah.

