Mas’uuliyiin DFS & Koofur Galbeed oo ka qaybgalay aaska saraakiil lagu dilay Duleedka Baydahbo+Sawirro

|

Baydhabo(Kaab TV)-Magaalada Baydhabo waxaa maanta aas loogu sameeyay Taliyeyaashii Guutooyinka 8aad iyo 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka kuwaas oo shalay ku dhintay dagaal ka dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Koofur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Dalka, Wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan Dowlada Federaalka, masuuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed & Xubno kale ayaa ka qaybgalay aaska.

Jibriil Cabdirashiid Xaaji Hogaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in saraakiishiisa maanta la aasay ay naftooda u hureen difaaca shacabka iyo ilaalinta amniga deegaanada Maamulka sida uu hadalka u dhigay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News