Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo dhowaan dhagaysatay racfaanka qareennada Sacdiyo Macallin Cali oo loo garanayo Sacdiyo Bajaaj kaddib markii ay ku qanci waayeen xukunka ay ku ridday Maxkamadda Gobolka Banaadir Bishii June ee sannadkaan.Geographic Reference
Maxkamadda oo dhagaysatay ujeedka racfaanka ee Qareennada Sacdiyo Bajaaj iyo difaaca Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa ugu dambayn maanta shaacin doonta xukunka uga soo dhex baxay dhagaysiga eedaha iyo difaaca labada dhinac.
Ehelka Sacdiyo Bajaaj, dhinacyada kiiskaan quseeyo iyo dad kale oo danaynaya ayaa indhaha ku haya nooca xukun ee Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir kasoo saari doonto iyo go’aanka ay ka qaadan doonto xukunkii hore.

