MUQDISHO (Kaab TV)-Mucaaradka Dowladda Federaalka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay qabashada dibadbaxooda oo ku astaysan 4ta June 2026, xubnahaan ayaa tilmaamay in bannaanbaxooda uu salka ku hayo Arrimaha Doorashooyinka Dalka & Khilaafka Siyaasiga ah ee jira.
Xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in bannaanbaxa ay qorsheynayaan uu ka ballaarnaan doonno kuwii horay u dhacay waa sida ay hadalka u dhigeenee, waxaana ay intaas ay ku dareen in uu si isku xiran oo joogta ah u dhacayo.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo kamid ahaa xubnaha Mucaaradka ee ku metalay wadahadalladii lagu kala tagay todobaadkii hore ayaa sheegay in dibadbaxu uu yahay mid lagu muujinayo awooddooda.
10kii May 2026 waxaa baaqday dibadbax Mucaaradka uu kaga dhawaaqay Magaalada Muqdisho iyada oo Dowladda Federaalka ay u ogolaatay in ay isugu tagaan Garoonka Cayaaraha Injineer Yariisow balse mucaaradku ku dooday in laga xiray waddooyinkii ay ku gaari lahaayeen Garoonkaas.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in mucaaradku uu qabsan karo dibadbax nabadgalyo ah oo ka dhacaya goobta loo asteeyo oo amnigeeda ay sugayaan ciidamada ammaanka inkasta oo mucaaradku ku dooday in amnigooda iyagu suganayaan waa sida ay hadalka u dhigeen.

