Muqdisho oo wajahaysa cabsi cusub oo dilalka qorsheysan ah, laba askari iyo sarkaal hore oo la dilay

|

Magaalada Muqdisho ayaa wajahaysa walaac cusub oo la xiriira amniga, kaddib markii muddo shan maalmood gudahood ah la dilay laba xubnood oo ka tirsanaa hay’adaha ammaanka, kuwaas oo lagu beegsaday weerarro kala duwan oo ka dhacay caasimadda.

Dilalkan ayaa dib u soo nooleeyay xusuusta weerarradii qorsheysnaa ee sannadihii hore lagu beegsan jiray saraakiisha ciidamada, shaqaalaha dowladda iyo shaqsiyaadka xilalka kala duwan kasoo qabtay hay’adaha amniga.

11-kii Nofeembar 2026 ayaa degmada Daarusalaam lagu dilay Cabdi Xakiin Cali Xalane, oo ahaa askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa mid toos ah oo lagu beegsaday askariga.

Sidoo kale, 16-kii Nofeembar, wax yar kaddib salaaddii Subax, ayaa xaafadda Siigaale ee degmada Hodan lagu dilay Maxamed Mursal, oo ahaa sarkaal booliis iyo xildhibaan hore.

Labadan dil ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan sida ay kooxaha hubeysan ugu suurtagasho inay bartilmaameedsadaan shaqsiyaad ka tirsan ciidamada ammaanka, xilli dowladda Federaalka ay waddo dadaallo lagu xoojinayo amniga caasimadda.

Dilalka loo geysto saraakiisha ciidamada iyo shaqsiyaadka hore xilalka uga soo qabtay dowladda ayaa muddo dheer ka mid ahaa caqabadaha ugu waaweyn ee amniga Muqdisho.

Weerarrada noocan ah waxay inta badan abuuraan cabsi ka dhex dhalata ciidamada ammaanka, gaar ahaan marka shaqsiyaadka la beegsanayo lagu dilo goobaha ay ku nool yihiin ama xaafadaha ay sida joogtada ah u maraan.

Warbixin lagu baahiyey baraha bulshada ayaa sidoo kale sheegtay in Muqdisho laga soo sheegay kiisas kale oo dilal ah, kuwaas oo ay ku jiraan askar, ganacsato iyo waxgarad. Hase yeeshee, dhammaan dhacdooyinkaas si madax-bannaan looma xaqiijin, mana habboona in loo qaato tiro rasmi ah oo dilal qorsheysan ah.

DHEERAAD:  Qaramada Midoobay oo ku baaqday in la maalgashado ka qaybgalka haweenka Soomaaliyeed iyo matalaadda.

Waxaa jira walaac ah in haddii weerarrada noocan ahi sii socdaan ay adkaan karto in la ilaaliyo amniga saraakiisha iyo dadka kale ee bartilmaameedka noqon kara.

Al-Shabaab ayaa sannado badan Muqdisho ka fulinaysay weerarro ay ku beegsanayso saraakiisha dowladda, ciidamada ammaanka iyo shaqsiyaadka ay ku tilmaanto inay la shaqeeyaan hay’adaha dowladda.

Kooxdu waxay sidoo kale leedahay shabakad amni oo fulisa dilal qorsheysan iyo weerarro ka dhan ah shaqsiyaad gaar ah.

Warbixin ay baahisay warbaahin baraha bulshada ku faafisa xogta amniga ayaa soo xigatay ilo amni oo sheegaya in cutubka loo yaqaan Madax-jabis uu qayb ka yahay shabakadaha Al-Shabaab ee ka shaqeeya dilalka iyo hawlgallada sirdoonka.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto xaqiijin rasmi ah oo muujinaysa in Al-Shabaab ay mas’uul ka tahay dilalka Cabdi Xakiin Cali Xalane iyo Maxamed Mursal. Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in baaritaan lagu ogaado cidda fulisay iyo sababta loo beegsaday labadan qof.

Dilalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo adag, iyadoo ay taagan yihiin khilaafaad la xiriira hannaanka doorashooyinka, wax-ka-beddelka Dastuurka iyo mustaqbalka heshiiska siyaasadeed ee dalka.

Wadahadalladii la qorsheeyay inay Muqdisho ka dhacaan 14-kii ilaa 18-kii Nofeembar ayaa dib u dhacay, kaddib markii dowladda iyo dhinacyada mucaaradka ay isku mari waayeen shuruudaha iyo habka loo wajahayo wada-hadalka.

Mucaaradka ayaa dalbaday dammaanad qaad iyo dhex-dhexaadin caalami ah, halka Villa Soomaaliya ay sheegtay inay sii waddo dadaallada lagu doonayo in dhinacyada la isugu keeno.

Khilaafaadkan siyaasadeed ayaa imaanaya xilli hay’adaha amniga looga baahan yahay inay xoogga saaraan la socodka dhaqdhaqaaqyada kooxaha hubeysan iyo ka hortagga weerarrada ka dhaca caasimadda.

DHEERAAD:  Qarax miino ah oo ladhigay Guri dabaq ah hoostiisa oo ka dhacay Ceelgaabta

Labada dil waxay su’aalo ka keenayaan awoodda hay’adaha ammaanka ee ka hortagga weerarrada qorsheysan iyo ilaalinta saraakiisha ciidamada.

Waxaa muhiim ah in la ogaado sida ay kooxaha weerarrada fulinaya ku helaan xogta dadka ay bartilmaameedsanayaan, sida ay u doortaan goobaha weerarrada iyo sababta ay ugu suurtagasho inay baxsadaan kaddib falalka ay geystaan.

Hay’adaha ammaanka waxaa horyaalla baahida loo qabo xoojinta xog-ururinta, baaritaanka dilalka, la socodka shabakadaha hubeysan iyo ilaalinta dadka halista ugu jira in la beegsado.

Sidoo kale, waxaa muhiim ah in baaritaannada dilalkan ay noqdaan kuwo hufan oo bulshada lagu wargeliyo natiijooyinkooda, si looga hortago faafitaanka warar aan la xaqiijin iyo cabsi sii kordhisa kalsooni darrada shacabka.

Haddii aan si degdeg ah wax looga qaban dilalka qorsheysan, waxaa dhici karta in ay sii kordhaan walaaca iyo cabsida ka dhex dhalata ciidamada ammaanka iyo shaqsiyaadka dowladda la soo shaqeeyay.

Waxaa kale oo suuragal ah in weerarradani saameeyaan dhaqdhaqaaqa saraakiisha, ganacsatada iyo dadka kale ee ku nool caasimadda, gaar ahaan haddii aan la helin xog cad oo ku saabsan cidda ka dambeysa iyo habka loo fulinayo.

Dhanka kale, xiisadaha siyaasadeed iyo dib-u-dhaca wadahadallada waxay sii adkeyn karaan jawiga guud ee dalka, maadaama xasilloonida siyaasadeed iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ay qayb muhiim ah ka yihiin dadaallada amniga.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News