BAYDHABO (Kaab TV) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Ciidamadaan oo kamid noqon doona howlgallada lagu xaqiijinayo Amniga ayaa tababaray saraakiisha ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM.
Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen’ ayaa kula dardaarmay ciidamada inay dalkooda, diinta, iyo dowladooda ay difaacaan, xilli uu maanta illaa saddex urur oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta KGS kula hadlay xerada tababarka ciidanka ee ku taalla duleedka magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Laftagareen sheegay in cadaawada Koonfur Galbeed ay badan tahay, ayna jiraan dad badan oo lasoo isticmaalay oo doonaya inay KGS burburiyaan.
“Sidaan horey idinkugu sheegay cadawga hal maaha, labo maaha, saddex ayuu sii marayaa hadda. Saddexbaba KGS uma istaageyso. Waana iska celinaysaa,” ayuu yiri madaxweyne Laftagareen.
Wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay duullaan qaawan, oo xishood la’aan iyo mooryaanimo ah ay ku soo qaadday deegaanada Koonfur Galbeed.
“Dhaqaalihii, hubkii iyo rasaastii ay Soomaali oo dhan lahayd, cunaqabateyntii hubka ee laga qaaday Soomaaliya ayaa hadda lagu dhibaateynaa shacabka,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Madaxweyne KGS ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay diyaarado ku soo daabuleyso ciidamo iyo hub ayna cabsi galin ku hayso maamulada degmooyinka ee KGS, oo qaarkood deegaanadooda laga qabsaday.
Degmooyinka Baraawe iyo Buurhakaba ayaa toddobaadkan u gacangalay ciidamada cusub ee Dowladda Federaalka ku soo daabushay deegaanada KGS.
Laftagareen ayaa u mahadceliyay ciidamada Itoobiya oo uu sheegay inay ballanqaadeen inay ciidamo badan u tababaraan deegaanada KGS, ka hor intaysan dib ugu laaban deegaankooda.
“Koonfur Galbeed ma cabsan doonto, inta qof kaliya ka nool yahay waa is difaaceysaa,” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.



