PUNTLAND: Waan kala laabanay aqoonsiga DF, Xasan Sheekh wuu lumiyay sharciyadda madaxweynanimo

|

GAROWE (KAAB TV) – Dowladda Puntland ayaa caawa goor dambe ku dhawaaqday inay aqoonsiga kala laabatay iyo kalsoonida maamulka Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ku dhawaaqday inay goonigeeda u ahaan doonto dowlad dhamaystiran oo madax-bannaan.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo akhriyay war saxaafadeed kasoo baxay golaha wasiirada Puntland ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu lumiyay sharciyadda madaxweynanimo.

Go’aanka Puntland ayaa yimid ka dib tallaabadii lagu badalay dastuurka dalka oo Sabtidii ay ku dhaqaaqeen xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News