Qardho(Kaab TV) -Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Bari ee degaannada Puntland, halkaas oo koox hubeysan ay ku dishay ganacsade lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Shire (Muqdar).
Marxuumka ayaa la sheegay in lagu toogtay gudaha goobtiisa ganacsi, xilli uu ku guda jiray howl maalmeedkiisa. Sida ay sheegeen ilo kala duwan oo deegaanka ah, kooxdii falka geysatay ayaa si degdeg ah uga baxsatay goobta, ka hor inta aysan halkaasi gaarin ciidamada ammaanka ee magaalada Qardho.
Ilo ku dhow dhow dhacdada ayaa tilmaamay in dilkan uu salka ku hayo khilaaf hore oo la xiriiray muran dhuleed, kaas oo muddooyinkii dambe ka taagnaa duleedka magaalada. Khilaafkaas ayaa la sheegay inuu u dhexeeyay maleeshiyaad hubeysan, islamarkaana ugu dambeyn isu beddelay fal gacan ka hadal ah oo sababay dhimashada ganacsadaha.
Dad aqoon u lahaa marxuum Maxamed Axmed Shire ayaa ku tilmaamay nin ganacsade ah oo sumcad ku lahaa bulshada dhexdeeda, isla markaana lagu yaqaanay dabeecad daggan iyo xiriir wanaagsan oo uu la lahaa dadka deegaanka.
Ilaa iyo hadda ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka Puntland oo ku aaddan cidda ka dambeysay dilkan, iyo in la qabtay dambiilayaashii falka geystay. Sidoo kale, lama xaqiijin tallaabooyinka ay qaadi doonaan laamaha ammaanka ee Qardho si wax looga qabto xaaladda.

