NISA oo gacanta ku dhigtay walxo kiimiko ah oo loo waday Al-Shabaab

|

Shabeellaha Hoose (Kaab TV) –Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay walxo kiimiko ah oo loo adeegsado samaynta qaraxyada, kuwaas oo sida ay hay’addu sheegtay loo waday kooxda Al-Shabaab.

NISA ayaa sheegtay in walxahan kiimikada ah ay ku jireen in ka badan boqol jirgaan, islamarkaana lagu qabtay howlgal daba-gal iyo baaritaan socday muddo.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay hay’adda, kooxda Al-Shabaab ayaa walxahan ku duugtay deegaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay ogaatay in hay’adaha ammaanku la socdaan dhaq-dhaqaaqyadooda.

Hay’addu waxay sheegtay in qabashada walxahan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu carqaladeynayo sahayda iyo agabka ay kooxdu u adeegsato fulinta weerarrada iyo falalka amni-darrada.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada ammaanka Soomaaliya ay sare u qaadeen howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo xarumaha, sahayda iyo dhaq-dhaqaaqyada kooxda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News